Maxkamad go’aan ka gaartay kiis dacwadeed ka dhan ahaa safaaradda Soomaaliya ee Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradaha laguma dacweyn karo in ay wakiil ka yihiin dowladahooda, ayey xukuntay Maxkamadda Sare ee Kenya oo soo saartay go’aan aan la fileyn oo ay ku dhawaaqday garsoore Mary Kasango, oo qaaday kiis dacwadeed lagu soo oogay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Howlgallada diblomaasiyadeed ayaa lagu ilaaliyaa qodobka 22-aad ee heshiiskii Vienna, sida ay xukuntay garsooraha.

Shirkad qandaraasle Kenyan ah ayaa ku eedeeysay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi inay xabistay kadibna jir-dishay shaqaale loo diray si uu ugu gudbiyo gal-dacwadeedka kiis ka dhan ah safaaradda oo laga furay maxkamadda Milindi ee Nairobi.

“Dhismooyinka howlgalka diblomaasiyadeed laguma xad gudbi karo waana in uusan gelin wadanka martida looyahay haddii uusan u fasixin madaxa howlgalka,” ayey tiri Garsooruhu.

“Wadanka martida looyahay waa  in uu howlgalka ka ilaaliyaa in loo gudbo ama waxyeelo loo geysto waana in aan la baarin dhismaha ama aan lala wareegin qoraallo iyo hanti.”

“Guud ahaan, dalalka shisheeye xasaanad ayey ka leeyihiin in la dacweeyo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay.

Shaqaalaha shaqada

Garsoore Kasango ayaa indho-indheyn sameysay markii ay kiiska ka xukuntay shirkad Kenyan ah oo dalbaneysay in la siiyo 23.4 million oo shilling, taasi oo ah heshiis laga baxay afar sano ka hor.

Inkasta oo safaaraddu aysan jawaab geyn maxkamadda, garsoore Kasango waxay tuurtay eedeydii safaaradda loo heystay, iyadoo sheegtay in shirkadda looga baahanyahay in ay dacwad ku oogto dowladda Soomaaliya, balse aysan ku oogin safaaradda.

“Aragtideyda, safaaradu kuma haboona in la dacaweeyo. Taas bedalkeeda Kingsley waxaa ku furan in ay dacwad ku oogto dowladda Soomaaliya, laakiin maya safaaradeeda Kenya,” ayey tiri garsooruhu.

Shirkada dhismaha Kingsley ayaa safaaradda Soomaaliya geysay maxkamadda kadib markii ay dib u dhis ku sameysay safaaradda Nairobi.

Shirkadda dhismaha ayaa sheegtay in ay heshiis la gashay safaaradda Soomaaliya sanadkii 2016-kii, si ay dib u dhis ugu sameyso dhismaha, heshiiskaas waxa uu ku kacay 53.5 million oo shilling. Kingsley waxay sheegtay in heshiiska ay qayb ahaan qorneyd qaybna aysan qorneyn.

Shirkaddu waxay sheegtay in safaaraddu ay jabisay heshiiskii, isla markaana ku guul dareysatay in shaqaaluhu ay galaan gudaha safaaradda, sidoo kale aysan bixin 23.4 million oo shilling ee lagu leeyahay.

Bishii September sanadkii lasoo dhaafay, Kingsley waxaa ay safaaradda ku eedeysay in ay xirtay islamarkaana jir-dil ku sameysay mid ka mid ah shaqaalaheeda oo isku dayay in uu u geeyo qoraalo maxkamadeed.

Xuquuqda qalbiga

Warqad cabasho ah oo Amos Mutambu uu u diray wasaaradda arrimaha dibada Kenya ayuu ku sheegay in loo diiday in uu ka baxo safaaradda Soomaaliya ee Kenya bishii September sanadkii 2019-kii. Arrinta markii dambe waa la xaliyay, shirkaduna waxay dacwad ka gudbisay safaaradda.

Kadib markii ay safaaraddu diiday in ay isku difaacdo maxkamadda, Kingsley waxay maxkamadda ka codsatay in ay kiiska u xukunto.

Shirkaddu waxay sheegtay in safaaraddu ay diiday in ay iska difaacdo dacwadda ay ka geysay maxkamadda rayidka ah ee Kenya.