Itoobiya oo jawaab culus iyo digniin ka bixisay qorshe ay Masar ka wado Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale dab kusii qabatay xiisada kala dhaxeysa Masar, maadama ay si adag uga hor-timid xiriirka Masar ee Somaliland oo la rumeysan yahay inuu dhabaha u xaadhayo saldhig cusub oo deeganadaasi ay ka sameysato Masar.

Itoobiya ayaa iyadu u aragta khatar amni oo hor leh haddii Masar ay saldhig millateri ka sameysato Somaliland, xili ay labada dhinac ka dhex aloosan tahay xiisada muranka badan ee webiga Nile-ka.

Dina Mufti, Afhayeenka Wasaraadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la hadlay wargeyska The Nation ayaa sheegay in qorshaha Masar uu gobolka Bariga Afrika u horseedi karo khal-khal amni, taasi oo uu kusii xoojinayo diidmada dowladda Itoobiya ee ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ay dowladda Masaaridu ka wado gobolka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in Masar ay u madax-banaan tahay xiriiradeeda diblumaasiyadeed, balse ay marna aqbali doonin qorshe ay saldhig millateri uga sameysanayso Somaliland, kaasi oo si cad uga hor imanaya xiriirkaasi cusub.

Hadalka Afhayeenka ayaa kusoo aadaya xili ay dhawaan Somaliland tageen wafdi ka socda dowladda Itoobiya, kuwaasi oo wax ka weydiiyay madaxda Somaliland xiriirka iyo heshiiska ay la galeyso dowladda Masar.

Wafdiga Itoobiyaanka ah oo daba socday booqasho ay saraakiil Masaari ah ku tageen Somaliland ayaa waxay xukuumada Muuse Biixi la wadaageen walaaca ay dowladdooda ka qabto xiriirka cusub ee Masar iyo mowqifkooda ku aadan.

Xiriirka cusub ee Somaliland iyo Masar ayaa u muuqda mid xiisad xoogan dhaliyey, iyada oo dab kusii daartay xiisadii ka dhex aloosneyd Masar iyo Itoobiya oo iyadu walaac badan ka qabta dhaq-dhaqaaqa Masar ee geeska oo ay ku hayaan webiga Nile-ka.