Maxaa xigi doona hanjabaadda ay Beesha Caalamka u dirtay DF, kadib xil ka tuuristii Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabadii xilka looga tuuray Ra’iisal wasaare Kheyre, iyaga oo walaac xoogana ka muujiyey hanaanka dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa si cad uga hortimid qorshaha muddo kororsi ee Villa Somalia, iyada oo ka digtayna in dalka ka qabsoomto nooc doorasho oo aan heshiis lagu wada ahayn.

Waxayna soo jeedisay in heshiis siyaasadeed laga gaaro nooca doorasho ee dalka ka qabsoomaysa, taasi oo looga fogaanayo muddo kororsiga la fahamsan yahay inuu xilka ku waayey Ra’iisal wasaare Kheyre, oo isagu markii dambe sheegay inuu danta shacabka isku casilay.

Haddaba, Maxaa xigi doona hanjabaadda ka timid Beesha Caalamka ee xiligan kala guurka?

Dr. Maxamed Xuseen Gaas oo Jaamacadda Oslo ee dalka Norway ka dhiga Xiriirka Caalamiga iyo siyaasadda, dhowaana kasoo shaqeeyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga uga waramay arrintaasi.

Dr. Gaas ayaa sheegay in Beesha caalamku ay ka biyo diidan yihiin tallaabadii sharci darada aheyd ee Baarlamaanku xilka uga tuuray Kheyre, xili uu dalka marayo marxalad xasaasi ah.

Wuxuuna xusay in jawaabtii Villa Somalia ay ka bixisay digniintii beesha caalamka ay aheyd mid aan munaasib aheyn, haddii ay kusii socotana ay gebi ahaanba ku waayi doonto taageeradooda.

Dr. Gaas ayaa sheegay in Beesha caalamka oo dhaqaale badan siisa dowladda federaalka ay hakin doonto, xiligan haddii aan wax laga badalin sida ay wax u socdaan, isla markaana si toos ah looga shaqeyn sidii doorashadu waqtigeeda ugu qabsoomi laheyd.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Farmaajo ay ku waayi doonto aqoonsiga caalamiga ah, iyada oo gebi ahaanba laga joojin doono taageerada kala duwan ee beesha caalamku ay ugu deeqdo Soomaaliya.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in beesha caalamku ay maxkamad caalami ah la tiigsan doonaan hogaamiyeyaasha dowladda federaalka, haddii doorashadu xiligeeda ay ku qabsoomi weydo, maadama ay qas-wadayaal ugu tilmaaameen qoraalkoodii ay kasoo saareen xiisadaasi taagan.

Arrimahaasi ka dhalan kara digniinaha Beesha caalamka oo ay dowladda Farmaajo ka madax adeygeyso ayaa bulshada Soomaaliyeed u horseedi kara bur-bur hor leh oo dhinac kasta ah iyo dibu dhac aan laga soo kabsan karin, sida uu sheegay Dr. Maxamed Gaas.

Beesha caalamka ee taageerta dowladda Soomaaliya ayaa iyadu diidan qorshe kasta oo lagu rabo muddo kororsi, taasi oo ka hor imaneysa rabitaanka Villa Somalia oo muddooyinkii dambe la rumeysan inay ku howlaneyd xeelado ay Farmaajo ugu sameyso muddo kororsi aan sharci aheyn.