Brussels (Caasimada Online) Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacaya shirweyne muhiim ah, oo looga hadlaayo hiigsIga cusub ee Soomaaliya (New Deal).
Shirkan waa kii ugu horeeyay ee Soomaaliya loo qabto in ka badan 20-sanno, waxaa shir loogu talagalay in Soomaalida ay soo bandhigaan wax yaabaha ay u baahan yihiin.
Shirkan waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo, sidoo kale waxaa ku sugan madasha shirka madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waxaa kaloo lagu arkay Brussels oo shirka isna ka qaybgalaya Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba, sidoo kale waxaa ku sugan qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka sida, Shabeellaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Gedo, Baay iyo Bakool.
Shirka marka laga tago dadka Soomaalida, waxaa kaloo ka qaybgalaya beesha caalamka iyoo waddamada galaangalka u leh arrimaha Soomaalida sida Ethiopia, Uganda, Kenya iyo Djibouti.
Shirkan waxaan ka qaybgaleynin Somaliland.
Shirkan yaa Soomaaliya u hadlaya?
Shirkan waxaa loogu talagalay in uu dhaco hal maalin, waxaa afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya ahna la taliyaha dhinaca warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayuu sheegay in shirka Brussels Soomaaliya uu u hadli doono madaxweynaha Soomaaliya
Puntland arrintaas qorshe ka duwan kan dowladda Soomaaliya ayey la tagtay shirka?
Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland, Axmed Sheekh oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Puntland, wuxuu sheegay in shirka Brussels Puntland ay la hortageyso qoshe u gaar ah oo ka duwan kan dowladda Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.
Isku soo duub, Akhristow.-
1- Shirkan maxaa faa’ido ah oo dowladda ugu jira?
2-Ma islee dahay maamulada ka qaybgalaya shirka Brussels waxa ay madasha ka sheegi doonaan qorshe ka duwan dowladda?
3-Ma islee dahay caalamka wuxuu hadda diyaar la yahay siddii uu u gacan qaban lahaa Soomaalida
4-Dowladda siddii ayey uga faa’ideesan doontaa dhaqaalaha ka soo xarooda shirka (New Deal)
———————————————————————————————————————————–
Aragtidaada noo soo gudbi akhriste adigoo ku qotominaya waxan aan soo qornay? Mahadsanid

