26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Kaalin intee la’eg ayuu Sheekh Bashiir ku lahaa guushii Farmaajo?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka magaalada Muqdisho ayaa wali aad u hadal haya Doorashadii 8 Bishan ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia.

Dadku waxa ay si gaara u xusayaan Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la rumeysan yahay in kaalin weyn uu ka qaatay soo bixitaanka Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dadku waxa ay isla dhexmarayaan Khudbada uu Sheekh Bashiir Axmed Salaad ka jeediyay Hoolka Doorashada ay ka dhaceysay taa oo kurbo ku noqotay Xildhibaanada kadib markii uu sheegay in maalinta Khiyaamaha Xildhibaanada lagula xisaabtami doono halka ay codadkooda ku bixiyeen.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, waxa uu xiligaasi si toos ah Xildhibaanada Baarlamaanka ugu guubaabiyay inay u codeeyaan shaqsi isbedel doon ah, waxa uuna tilmaamay in maalinta khiyaamaha cidii doorataa shaqsi dhibaato galinaaya Somalia la su’aali doono.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ku hadlaayay afka Culimada iyo kan Shacbiga Soomaaliyeed, ayaa waxa ay dadku sheegen inuu qalibay dhammaan go’aanka Xildhibaanadii dooraneysay Madaxweynaha oo la xusuusiyay dhibaatada ka dhalankarta haddii ay doortaan Musharax dano gaara iyo mid shisheeye ka leh Somalia.

Nuuradiin Saciid Cali oo kamid ah Shacbiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay Hoolka la imaadeen go’aan gaara, balse markii Sheekh Bashiir Axmed Salaad uu xusuusiyay dhibaatada ka dhalankarta haddii ay doortaan Musharax aan dalka anfaceynin.

Waxa uu sheegay in Sheekh Bashiir Axmed Salaad uu waxbana ka bedelay go’aanka Xildhibaanada waxa uuna intaa raaciyay in Sheekh Bashiir Axmed Salaad uu kaalin weyn ka qaatay Guul darida Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xuseen Nuur Jaamac oo isna kamid ah shacbiga ayaa sheegay in Sheekh Bashiir Axmed Salaad uu mudan yahay in lasiiyo bilad, waxa uuna sababta ku sheegay in Xildhibaanada uu u iftiimiyay cida mudan in la doorto.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka ayaa ku baaqay in Culimada Soomaaliyeed ay si dhow ula shaqeeyan Dowlada cusub ee isbedel doonka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News