Kaalintee ayey Somalia ka gashay dalalka ugu sarreeyo sicirka dhimashada adduunka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Soomaaliya ayaa kasoo muuqday kaalinta 9aad ee tobanka kaalin ee sarre ee dalalka laga diiwaan geliyey dhimashada ugu badan adduunka sannadkii tegay 2016kii.

Hayadda sirdoonka Mareykanka Central Intelligence Agency (CIA) oo kaashaneysa World Factbook ayaa soo saartay qiimeyntaan, waxaana hogaaminaya dalka South Africa ee ku yaalla qaaradda Africa.

Sababo kala duwan ayaa loo dilay dadkaas dhintay, iyadoo Russia ay kasoo muuqatay kaalinta labaad ee qiimeyntaan. Bulgaria ayaana ah dalka kaalinta 10aad iyagoo ka dambeeya dalkeena Soomaalia.

Qiimeyntaan ayaa waxaa hogaaminaya dalka Koonfurta Africa iyadoo saacaddii ay ku dhintaan 17.23 shaqsi. Kuna darso Somalia 14.55 shaqsi ayaa la qiimeeyey inay saacaddii siyaabo kala duwan ugu dhintaan.

Halkaan hoose ka aqriso tobanka dal ee ugu sarreeyo 

  1. South Africa               17.23
  2. Russia                       16.03
  3. Ukraine                     15.76
  4. Lesotho                     15.18
  5. Chad                        15.16
  6. Guinea-Bissau           15.01
  7. C. African Republic    14.71
  8. Afghanistan              14.59
  9. Somalia                    14.55
  10. Bulgaria                  14.32

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com