3 waxyaabood oo qariib ah oo ay Kismaayo kaga duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka

Magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ah magaalooyinka ugu waa wayn bariga Afrika islamarkaana waxay kamid tahay magaaloyinka ugu Tunka wayn Soomalida, caadiyan waxay leedahay kheyraad dhan waliba ah oo bad iyo bari ah.

Magaaladan waxay xarun u tahay gobolka Jubbada Hoose, si lamid ah waxay magaalo madax u tahay maamul goboleedka Jubbaland, sidoo kale waxaa magaaladan isla daga qowmiyado kala duwan oo Soomaali iyo si kugu jira dadka kale ee aan asal ahaan kasoo jeedin Soomaalida balse bartay luuqada Soomaaliga, Sida Baajuunta, Reer Goleedka, Hindida iyo Qowmiyado kale.

general-scene-around-kismayo-somalia-1994-efjhfh.jpg

Hadaba Waxaan idin soo gudbinaynaa Saddex Waxyaabo Oo Ay kaga duwan Tahay Kismaayo Magaalooyinka kale ee dalka, Ogowse sheekadu waxaa qeyb ka ah oo soo gali kara deegaanada ku xeeran magaaladan, Sida Sanguuni, Goob Wayn Buula Gaduud, Qaam Qaam, yoontooy, jamaame, Jilib iyo Kabsuuma,

  1. XALWADA

Waa cajiib marka aad maqasho xalawo hadana lagugu sheego in Kismaayo ay gaar u tahay islamarkaana kaga duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka, Balse tani waxay la xiriirtaa dhadhanka iyo macaanka xalwada ka imaata kismaayo caadiyan waa ay ka duwan tahay tan magaalooyinka kale lagu sameyo.

Dadka oo idil ayaa isku raacsan in Magaalo xeebeedka Kismaayo qani ku tahay sameeynta Xalwada, waxayna leedahay magac u gaar ah xalwadaas oo waxaa loogu magac daraa magaca magaalada, madaama ay ka gadisan tahay xalwooyinka lagu sameyo dalka intiisa kale,waxaana Dadka qaar ay u yaqaanaan Xalwo Baazanda oo ah mida koowaad ee ugu sidata KIsmaayo.

Qof waliba oo ka imaanaya Kismaayo waxaa laga codsadaa in uu keeno uuna usoo qaado ehelka hadiyad tan ugu wanaagsan ee laga keeno Jubbooyinka taas oo ah Xalwad.

halwa

  1. ISKU DARSANKA BAD IYO WABI

Ilahay baa ugu maneeystay magaaladan Wabi iyo Bad, Wabiga ayaa kaga beegan Jihada Bari waase sida la ii sheegay walina maan tagin, sidoo kale Badda ayaa ku dhirirsan guud ahaan magaalda, waa waxkale oo xiisa u yaalaya magaaladan.

Sidaa Darteeda magaaladan agagaarkeeda waxaa iskugu darsama Badd Waynta India iyo Wabbiga Jubba, taas oo aanay Jirin magaalo kale oo leh dalka, marka loo eego isku daranka wabiga iyo Badda.

maxresdefault
Waa Goob Wayn Oo Ah Meesha AY Ku Kulmaan Wabiga Jubba Iyo Bad Waynta India

Goobweyn waa meesha ay iskugu darsamaan Wabbiga Jubba iyo Bad Weynta India waxay u jirtaa qiyaastii wax ka yar 10 KM sida uu ii xaqiijiyay qof deegaanka ah oo ay wareeysatay Shabakada Siyaasad.net.

Taas oo ka dhigan in Kismaayo iyo degmooyinka la xiriira ay Gaar la yihiin Sifadan oo anay jirin Magaalo kale oo dalka ah taas oo leh sifadan aan kor kusoo sheegnay.

  1. DHUL BARAHA

Dhul baraha Ama Equeter ka caadiyan waxaa uu mara dalalka qaar ee dunida, marka la joogo Soomaaliya Dhul baraha ayaa mara degmada Sanguuni oo duleedka ka ah magaalada Kismaayo sida la ii sheegay, taas oo ka dhigan in tani ay tahay mid kamid ah waxyabaha u gaarka ah ee ay leedahay caasimada gobolka Jubbada hoose.

Sifooyinkaas iyo kuwa kale ayaa qeyb ka ah waxyaabaha ay gaarka la tahay magaalada Kismaayo, sidoo kale waxaa jira in Kismaayo ay tahay hooyada ciyaaraha marka loo eego gobolada Soomaalida, maadaama ay yihiin gobolka ugu badan ee ku guuleeysta tartanka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan ay Finalka soo tiigsadeen tartankii Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee dhawaan lagu soo gabgabeyay Magaalada Muqdisho inkastoo Goolkulaadyo ay qasaaro kala kulmeen wiilasha garoowe.

Waxaanse Uga Mahadcelinayaa Saaxiibkeey Saciid Cabdi Kariin Oo Iga Caawiyay Aruurinta Qoraalkan.

Waxaa Qoray: Cabdi Wahaab Axmed Cali