Soomaaliya ma ka bad-baadi doonta alabad shirqool ee diblomaasiyeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo intii la doortay madaxwayne Farmaajo, Soomaaliya waxay gashay waji cusub taaso saamaynteda wanaagsan iyo dhinaca xunba leh.

Waxan shaki ku jirin, Soomaalida inaysan wax badan tallo ah gacanta ugu jiro, marka laga reebo dareenkooda ay muujiyen, iyo mararka qaarkood oo xeerar dad kale natiijdoda hayan ay kudhex ciyaaraan.

Madaxwaynaha cusubi si kasta uu hawlwanagsan u qabto kama dhex bixi doono xeerarka (New liberal world) iyo (New realistic world).

Xeerarkani waa kuwa Soomaalida nolosheeda iyo guuldaradeda qaabeeyey laguna qorsheeyey.

Xeerka koowad (New liberal world) waxa adeegsada dawladaha awooda ugu saraysa leh caalamka, waxa uuna leeyahay markasta danahaaga mustaqbalka dhow, dhexe ama dheer ay ku soo baxdo in khatar gali karan, ha sugin kana hortag.

Soomaalida waxa lagu adeegsaday xeerkan 1977, wakhtigas oo labada quwadood aduunka kajiray,isku aragti ka noqday Soomaalida midawda dantod inaysan kujirin.

Waxa guuldarada keenay waa diblomaasiyadii Soomaaliya, waxayna dhashay burburki ilaa hadda lagu jiro.

Xeerka ( new realistic world ),waxa adeegsada kuwa quwadaha dhexe ama loo yaqano ( regional power) waxa Soomaalida lagu burburiyey 2006, waxuuna leeyahay xeerkani markasta oo amnigaga wakhtiga dhow khatar gali karo ha sugin kahor tag, lana kaasho saaxibadaa.

Wakhtigas dareenki shacabka iyo maxakamadaha wada socday, waxa khatar u arkay dawladaha dariska, waxayna adeegsaden xeerarkan si ay caalamka uga
Jiheeyana danahooda.

Dawlada cusubi waxay waajahaysa arrimaha badan Soomaalidu sheegayan ka sokow shirqoolada diblomaasiyadeed, waxaana loo baahanyahay Madaxwaynaha cusub iyo team-kiisu inay adeegsadan diplomasiyin u tababaran arrimahan, xita khudbadaha Madaxwaynaha waa kuwa saamayntoda leh marka shirqoladan laga hadlayo,

Mahadsanidin, 
Ibrahim Cabdi Hussein
PhD of international Relations and Politics