Maxaad ka taqaan jeneraalada reer Yurub ee Daacish baray sida dadka loo gowraco

Janaraada kasoo jeedo dalka France waa macalimiinta ugu waaweyn xagga dilalka iyo dambiyada ka dhanka ah Bini’aadanimada waxayna Daacish kaga horeeyeen Goynta Madaxyada iyo gubista  jirka Bini’aadamka sidaasna waxaa caddeyn kusoo saaray qabiiro iyo dadka wax baaro oo kasoo jeedo dalka Algeria markii madxafyada Caasimadda France ee Paris lagu arkay madaxyada xubno ka tirsan ururadii ka jiray  Algeria ee ka dhanka ahaa ciidamadii France ee Gumeysiga ku qabsaday.

Madax goyntaas iyo gubista jirka xubnahaas u dagaalamayey xurnimada Algeria waxaa amray janaraalo kasoo jeedo France waana meesha ay maanta kasoo min guuriyeen ururka Daacish ee Casrigaan rogay waana Argagixiso soo bilaabatay qarnigii 19-aad.

Asbuucii lasoo dhaafay Janaalka (France 24) ayaa sii daayey warbixin uu daaha kaga qaaday 18 Kun oo Madaxa oo lagu haayo madxafka lagu magacaabo (Bini’aadamka) oo ku yaal Magaalada Paris, waxaana kaliya laga aqoonsaday 500 oo shaqsi oo ay ku jiraan 36 hoggaamiye oo ka tirsanaa muqaawamadii Algeria kuwaas oo ay dileen ciidamadii Gumeysiga France kadibna qoorta ka jareen intii lagu guda jiray qarnigii 19-aad.

Arrintaan waxay aheyd mid sir ah waxaana si rasmi ah loo ogaaday Bishii Maarso ee sanadkii 2011 waxaana soo ogaaday qoraa kasoo jeedo dalka Algeria oo daganaa France kaasoo lagu sheegay magaciisa (Cali Farid Bil-Qaadi), Isla sanadkaas waxaa jiray Codsiyo Mideysan Oo lagu dalbanayey in jirka xubnahaas dib loogu soo celiyo dalkooda balse ma aysan helin taagero weyn inkastoo Bishii March ee sanadkii dhamaaday 2016 ay u suurtagashay Ibrahim Sanusi oo ah macalin kasoo jeedo Algeria kaasoo wax ka dhigo jaamacadda Cergy-Pontoise University  ee dalka  France inuu soo aruuriyo 30 Kun oo saxiix oo lagu dalbanayey in madaxyadaan dib loogu celiyo Algeria.

Ururka (Mujaahidiinta) ee dalka Algeria oo ahaa urur qaab dowladeed uga qeyb qaatay dagaalkii France oo uu hoggaamiye u ahaa Sacid Cabdawu ayaa Anadolu Agency u sheegay sidaan: ” Taariikhda ma aysan qorin weli Qoom gooyey madaxyada Bini’aadam haddana dhigay Madxaf wax ka badan hal qarni iyo bar Marka laga reebo France” hadalkaas oo uu ula jeeday inay tahay wax laga xumaado oo taariikhda baal mugdi ah ka galay dhaqanka France ay ka muujisay dagaalkii ay ku qaaday Algeria.

Isagoo hadalka sii wato ayuu yiri: ” Tani waa dambi aan la isku dhaafi doonin iyo dulmi aan noociisa oo kale la arkin?” wuxuuna dowladda France ka dalbaday inay madaxyadaan kusoo celiso wadankooda sida uu qorayey heshiiskii dhex maray France iyo Algeria kasoo  keenay inay xurnimada qaataan 5 July 1962.

Wuxuu tilmaamay inay madaxda France u direen wafdi caalami ah bishii January sanadkii 2016 wafdigaas oo uu hoggaaminayey Al-Dayib Seytuuni kaasoo sheegay inay jirto rajo fiican oo laga leeyahay in madaxdayadaan wadanka dib loogu soo celiyo.

France Ayaa Daacish Kaga Horeysay Goynta Madaxyada Bini’aadamka

Dayib Howrari oo ah madaxda ugu sareeyo ururka (ilmaha Shuhadada) oo ay ku midoobeen ilmihii aabayaashood lagu dilay dagaalkii France ee Algeria ayaa isna Anadol u sheegay in France ay tahay wadan Daacish kaga horeeyey in Bini’aadam madaxa laga jaro, wuxuuna ku sheegay dambi weyn in madaxyo Bini’aadam oo la gooyey haddana la dhigo Madxaf.

Isagoo ka jawaabayey hadalkii kasoo yeeray garabka Midig ee France kaasoo ay islaamka iyo muslimiinta ku sheegeen inay yihiin Argagixiso ayuu yiri: ” France ayaa horey taariikhda ugu diiwaangelisay inay Dad Bini’aadam ah ay madaxa ka gooyeen sidoo kala ay gubeyn dad nool” isagoo sii raaciyey : ” Insaaniyadda iyo Taariikhda ayaa muujineyso in dambiga madax goynta aysan aheyn mid kamid ah dhaqanka Islaamka balse ay tahay mid ka timaaday France oo kadina laga barbareeyey”.

Waxaa la sheegay in 1600 Oo  qoys oo kasoo jeedo Algeria gaar ahaan Qabiilka Banu Riyax ay xasuuqeen Faransiiska weliba waxay qabadsiiyeen dab qarnigii 19-aad waxaana la xasuustaa inay meeshaas ku baaba’een qabiilkaas sanadkii 1845 waxaana kamid ahaa dadkii la xasuuqay Ilmo iyo Haweyn.

Taariikhyahanka u dhashay Algeria ee Mustafa Nuweysir ayaa isna yiri: ” Haddii aan furno diiwaanka France ee Algeria lama yaabi doontid ee waad ka nixi doontaa, France madax bis ma aysan jarin xataa waxay gubeyn  Bini’aadam nool”.

Isagoo hadalka sii wato taariikhyahankaan ayaa xusay in xasuuqa France ay ka geysatay Algeria uu yahay mid ka weyn midkii uu geystay Adolf Hitler oo ahaa hoggaamiyihii Xisbigii Nazi ” Janaraalada kasoo jeedo France waa macalimiinta dilka iyo dambiyada ka dhanka ah Bini’aadanimada, sidaas darteed Dambiga Daacish waxaa ka weyn midka ay geysatay France.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Bin Cabdullaahi iyo Mustafa Daalic
Waxaa Turjumay: Cabaas Cali Xasan (Xaliye)