Dhageys: Ethiopia oo qiratay in saameynteedii Somalia ay soo geba gebowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhanyal Barhani oo kasoo jeeda Dalka Ethiopia ayaa guuldaro ku tilmaamay talaabada Guddiga Doorashada Somalia oo galbinaayay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Ethiopia oo usoo safray Doorashada Somalia.

Dhanyal Barhani, waxa uu sheegay inay aheyd Ceyb iyo Wajigabax ay Ethiopia kala kulantay Somalia, waxa uuna intaa ku daray in Miisaankii ay Ethiopia ku laheyd Somalia uu noqday mid meesha ka baxday isla markaana raacay Dowladii uu hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in dhammaan Musharaxiintii laga guuleystay ay ahaayen kuwo lala macaamilikaro balse Madaxweynaha hadda guuleystay Maxamed C/llahi Farmaajo uu yahay mid uu ka buuxo Naceybka Ethiopia.

Waxa uu sheegay in Guusha Farmaajo ay aheyd mid ay ka xumaaden kana caroodeen dhammaan Shacbiga reer Ethiopia, isla markaana ay tahay mid aan loo dulqaadankarin.

Dhanyal Barhani, waxa uu intaa raaciyay in Somalia ay gashay Af libaax maadaama aanu muuqan danaha reer Ethiopia.

Dowlada Ethiopia waxa ay horay u sheegtay inay ku raja weyn tahay inay kusoo biiraan Dowladaha Jabuuti iyo Somalia oo iminka yeelatay Madaxweyne Cusub oo ka feejigan danaha reer Ethiopia, waxa ayna Guusha Farmaajo dhabar jab ku noqoneysaa qorshihii ahaa in Dowladaha Jabuuti iyo Somalia ay ku biiraan dalka Ethiopia.

Ethiopia waxa ay rajeyneysaa inay xukunto dhammaan shucuubta Soomaaliyeed, Jabuuti ilaa Somalia, oo looga hadlo hal luqad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com