DF oo wa culus ka soo saartay heshiiska Imaaraatka iyo Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiiska maamulka Somaliland uu la galay dowladda Imaaraatka carabta.

Heshiiskaasi oo buuq badan ka dhex dhaliyay baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhigaya in imaaraatka carabta uu dhisto saldhig meletari oo laga hergelinayo magaalada Berbera.

Dowladda Soomaaliya heshiiskaasi ku tilmaamtay inuu sharci daro yahay, maadaama dowladda Soomaaliya aysan waxba ka ogeyn, waxayna ka dhigeysaa in saldhigaasi aan la sameyn karin.

Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowraha qaranka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay in dowladda Imaaraat ay heshiis la gasho maamul goboleedka Somaliland.

Dhawaan ayaa xildhibaanada maamulka Somaliland ay meelmariyeen Heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalada Berbera.

Waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeestay Siyaasiyiinta ugu Caansan Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com