Uhuru oo marmarsiiyo aan laga fileyn ka keenay kasoo qeyb galka caleema saarka Farmaajo

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Keenya Uhuru Kenyatta ayaa ka cudur daartay inuu kasoo qeybgalo xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo lagu wado inay muqdisho ka dhacdo 22 February oo ku beegan maalin Arbaco ah.

Warar hordhac ah oo ay heleyso shabakadda caasimadda Online ayaa sheegayo inuu madaxweynaha Kenya ka muujiyey culeys inuu kasoo qeybgalo caleema saarka isagoo ka dhawaajiyey inay heystaan arrimo kale.

Uhura ayaa sheegay inuu leeyahay qorshooyin kale oo uu horey u dajistay sidoo kalana laga yaabo inuu safaro kale  u aado wadamo uu sheegay inuu la ballansan yahay.

Kenya oo u aragto in Soomaaliya ay kaga xiran tahay dano waaweyn ayaa waxaa jiro warar sheegayo in la taliyaasha Madaxweynaha Kenya ee dhanka Arrimaha Dibadda ay xoogga ku saarayaan inuu Muqdisho tago kana qeybgalo Xafladaas.

Dad ku dhaw dhaw madaxweynaha ayaa xaqiijinayo inay tataliyayaashaas ay ka shaqeenayaan sidii uu Kenyatta u tago lahaa Soomaaliya waxayna u badan tahay inuu aqbalo oo uu yimaado.

Waxaa xusid mudan in Kenya iyo Farmaajo aysan isku fiicneyn maadaama markii uu ahaa Ra;isulwasaaraha uu hey’adaha qaramada midoobay iyo kuwa kaalmada bixiyo ku amray inay Muqdisho ku shaqeeyaan isla markaasna ay kasoo guuraan Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com