Kadib dalab Israel, Twitter iyo Facebook oo tallaabo ka qaaday Falastiiniyiinta

San Francisco (Caasimada Online) – Facebook iyo Twitter waxa ay tirtireen kumanaan dhigaal, bogag iyo akoonno iyaga oo ka jawaabaya dalabyo uga yimi wasaaradda cadaaladda ee Israel, sidaas waxaa warisay aracaddii Qudus Press.

“Waan ku guuleysannay yoolkeennii maadama 70 boqolkiiba dalabyadeenii ahaa [Tirtiridda waxyaabihii ku qornaa Facebook iyo Twitter] la fuliyey,” waxaa sidaas tiri wasiirka cadaaladda ee Israel Ayelet Shaked, sida laga  soo xiganayo jaraa’idka Yuhuudda ee Yedioth Ahronoth.

Sidoo kale waxa ay ku dartay: “Waxaan ku guuleysannay in aan tirtirno waxyaabihii ku baaqayey kicinta ee baraha bulshada iyo xasaradaha dhammaan guud ahaan Internet-ka”.

“La dagaalanka kicinta iyo waxyaabaha ceebka ah ee ay xambaarsan yihiin waxyaabaha la soo dhigo baraha bulshada waan ka hortageynaa” ayey tiri Shaked, oo intaas ku dartay  “Wada shaqeyntii ay la lahayd Facebook, Twitter iyo Google Israel ee ku saabsanaa waxyaabaha kicinta iyo xasaradaha ee ay Falastiiniyiinta soo dhigto Internet-ka waa taagan tahay”

Shaked waxa ay sheegtay in marka kicinta Internet-ka hoos u dhacdo ay weerarada Israel hoos u dhacaan.

“Taas waxa ay caddeyn u tahay in uu xiriir toos ah ka dhexeeyo kicinta Internet-ka iyo xasaradaha Israel,” ayey tiri.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com