NISA: Hay’ad qaran, mise hay’ad dhaqamed? (Q.5)

Qaybta 5-aad, Halkan ka aqri qeybtii hore

Haddii lala kulmo musiibo, waxaa habbon in ka hortaggeeda lagu saleeyo dhowr marxaladood (phases) oo kala horreeya. Tallabada ugu horreysa waa in la xakameeyaa kaddibna lagu dhaqaaqaa baaris nooca musiibada, sida wax u dhaceen, khasaaraha laga dhaxlay iyo in laga xaajoodo sidaanay dib dambe u dhicin. Tusaale, musiibo daad ama fatahaad iyo, waxaa habboon in marka hore lagu dhaqaaqo in la xakameeyo si looga hortago in khasaaruhu sii ballaarto. Kaddib, waxaa lama huraan ah in la tirakoobo khasaaraha ay gaysteen ugu dambeenna xal loogu helo sidii looga gaashaaman lahaa inaany dib dambe u dhicin.

Haddab, waxaa laysku raacay in hay’adda sirdoonka ay shaqadeeda si hufan ugu gudan kartaa iyadoo xoogga saarto uruurinta macaluumaad isugu jira mid xuuraan (Intelligence) iyo mid Lid-Xuuraan (Counter Intelligence), iyadoo kaashanaysa ilaha tirada badan (sources) ee ay hay’adaha wardoonku ka helaan wararka. Taasi waxay ku suurtoobi kartaa in culeys la saaro inay  adeegayaal ku yeelato qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda, ganaacsatada, dadweynaha, hay’adaha bulshada rayidka ah, ciidammada, siyaasiyiinta, odeyaasha dhaqammada, culimaada, hay’adaha waxbarashada iyo kuwo kaloo tiro badano oo aan halkan ku soo koobi karin. Waxaan ogsoonahay in 80%, hay’adaha sirdoonku ay wararka muhiimka ah ka helaan ilaha aan kor ku soo sheegay. Tusaale ahaan, NSS-tu waxaa adeegayaal  u ahaa xubno ka tirsan dhammaan ilaha aan kor ku soo sheegnay oo run ahaantii door weyn ka soo qaatay horumarka Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed. Waxaan hubaa in dad badan ayan i rumaysanayn haddii aan iraahdo xubnahaas adeegayaalka ah ay ku jireen wasiirro, wasiir ku-xigeenno, saraakiil iyo sarakkil xigeenno,odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin kala duwan, bareyaal wax ka dhigayey heerarka kala duwan ee waxbarashada. Xubnahaas oo dhan waxay NSS-ta ku lahaayeen galal si gaar ah loo xafidayay si loo asturo shaqsiyadooda (Privacy) oo ka mid ah tiirarka asaasiga u ah hay’ad sirdoon, waayo mar haddii mas’uuliyadeeda tahay inay ilaaliso wax kasta oo wax u dhimaya nabadgelyada, waa inay marka hore teeda ku dadaashaa. Qofkii tiisa daryelaa tu kale ku dara.

Hay’adda Sirdoonku marna kuma milmi karto siyaasadda, waayo waa hay’ad farsamo (technocratic), sida ciidammada kale oo hawshoodu la jaaanqaadi karaan dawlad kasta oo dalka hoggaanka u qabato. Marnaba waa khalad in loola macaamilo sidii hay’ad siyaasadeed, mana ma aha mid u baahan in loo tilmaamo hannaanka siyasadeed ee dawladda, waayo mas’uuliyaddeeda waa mid qayaxan oo aan marnaba is beddelayn mana u baahno inay ku dhex milmaan shakhsiyaad habeenkii ku seexdo faleebbo qabyaaladeed.

Cidna ma inkiri karto in Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed tan iyo burburkii Dawladdii Dhexe ay weli ku jirto ay ku dhacday god halaq galeen ah ilaa haddana ku sii socoto. Anigu waxaa talo iga ah in musiibada ku habsatay Nabad Sugidda Soomaaliyeed looga hortegi karo iyadoo la adeegsado tusaalooyinka aan kor ku soo xusay. Waa maxay musiibada ku dhacday iyo khasaaraha ay gaysatay? Musiibooyinka waa badan yihiin, hase yeeshee waxaa ugu daran burburka guud ee dalka ka dhacay sababayna in ciidankii xirfadda u laha sirdoonka kala firdhay oo intooda badan qurbaha u haajiray, lana garan waayay in laysku uruuriyo kaddibna la hawlgeliyo. Faa’iidooyin badan ayaa laga dhaxli lahaa hawlgelintooda, waayo uma baahna tababar iyo in loo tilmaamo hawsha ay qabanayaan intii la hawlgelin lahaa dad aan iyaga laftooda la hubin daacadnimadooda iyo waddaniyaddooda laguna xulay habab gurracan oo ah kuwa maanta Soomaaliya heerkaas gaarsiiyey. Guri, asaas la’aan lama taagi karo, saqaf aan la hubinin tayadiisa lama dugsan karo. Sidaa awgeed, xalku wuxuu ku jiraa in marka hore la fahmaa hawsha hay’ad sirdoon, ilayn waxaan u soo taagnayn in ay lahayd ciidan leh lebbis watayna hubka noocyadiida kala duwan. Tan labaad, waa in loo xulaa shakhsiyaad khibrad u leh hawsha ay qabanayaan.

Anigu, marna igama sugaysaan inaan dhaleeceeyo hannaanka siyadeed ee dawladda, hase yeeshee waxaa waajib igu ah isla markaana damiirkaygu ii saamaxayn inaan indhaha ka qarsado haddii ay soo if baxaan tallaabooyin gurracan oo wax u dhimayo magaca Nabad Sugidda Soomaaliyeed…La soco qaybaha xiga

W/Q: Ahmed Karate
e-mail: amm.karate@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid