Halkee DF marineysaa isu soo dhaweynta dalalka Eritrea iyo Jabuuti? (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa wadahadal ay dowlada Somalia ka dhexwado dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo isku haya dhul  iyo Maxaabiis.

Wadahadalka ay dowlada Somalia ka dhexwado labada dal ayaa iminka gaaray heerkii ugu danbeeyay waxaana socda kala qorashada qodobada Heshiisyada.

Wasiirka arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo arrintan ka hadlaayay ayaa sheegay in inta badan leysku fahmay wadahadalka kala dhexeeya Eriterea.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in wadahadalka uu iminka maraayo meeshii ugu danbeysay isla markaana ay harsan yihiin keliya qodobo kooban.

Waxa uu tilmaamay in dhawaan la kala saxiixan doono Heshiiska isla markaana ay wada kulmi doonaan labada Madaxweyne si ay isu gacan qaadan.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isna sheegay in dowlada Somalia ay kaalin weyn ka qaadaneyso heshiisiinta Eriterea iyo Jabuuti, waxa uuna tilmaamay in heer gabagabo uu  marayo wadahadalka.

Waxa uu Farmaajo tilmaamay in heshiis rasmi ah dhawaan laga gaari doono khilaafka labada dal, Soomaaliyana ay qaadan doonto kaalinteeda rasmiga ah.

Heshiisyada ay isku afgarteen labada dal ayaa waxaa kamid ah in Jabuuti dib loogu celsho dhul baaxad weyn oo ay ka heysato Eriterea iyo in leysku celsho Maxaabiis ay kala heystaan labada wadan.

Dowlada Somalia ayaa laheyd wadahadalka miro dhalay waxaana garab ku siiyay dowlada Ethiopia oo Siyaasad ahaan ay isku dhow yihiin Eriterea.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in kulan wada jira leysugu geeyo Madaxweynayaasha Eriterea iyo Jabuuti si ay heshiis u wada gaaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com