Wasiirada Puntland oo isku khilaafsan go’aankii shirka Kismaayo

Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Garoowe ka soconaya shir deg deg ah oo ay leeyihiin Madaxweynaha Maamulka puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo xubnaha ka tirsan Golaha  wasiirada ee Maamulkaasi.

Warar qaar ayaa sheegaya  in kulan looga hadlayo shirkii dhawaan  lagu soo gaba gabeeyay Magaalada  Kismaayo iyo khilaafka u dhexeeya Madaxda Maamul  goboleedyada iyo dowladda dhexe

Waxa jira warar sheegaya in Golaha Wasiirrada Puntland ay ku kala aragti duwanyihiin War-Murtiyeedka shirkii Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa isugu yeeray Golihiisa Wasiirrada,waxaana uu ka dhaadhicinayaa mowqifka Puntland ka qaadatay dowladda Federaalka ah.

Waxaa sidoo kale jira in Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Camey ka biya diiday natiijada Shirkii Kismaayo,waxaana uu sheegay in Puntland aysan raalli ka ahayn waxa ka soo baxay Kismaayo.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo ay ka qeybgelayaan Madaxwenaha iyo ku xigeenkiisa kala aragtida ah ayaa isha lagu hayaa war-murtiyeedka ay ka soo saarayaan shirka marka uu dhamaado kaddib.

Sidoo kale Waxaa kulan lagu falanqeynayaa xaaladda gobolka Sool iyo qodobo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com