Wasaaradda A/Dibedda ee ETHIOPIA oo madaxweyne Farmaajo ku amaantay in…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa si cad u muujisay cidda leh mudnaanta xallinta khilaafka xuduudeed ee Jabuuti iyo Eritrea, oo dhowaan horumar laga sameeyey sidii xal looga gaari lahaa.

Qoraal la soo dhigay Twitter-ka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ay leeyihiin mudnaanta so afjaraddii xasaraddaas mudadda taagneyd ee u dhexeysay labada dal ee jaarka ah.

“Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cadbullahi ayaa dejiyey xal u helidda murankii xuduudeed ee mudadda dheer u dhexeeyey Eritrea iyo Jibuuti.”

Warkan ayaa soo baxaya xilli dhawaan shir saddex geesood oo ah oo magaalada Asmara uga furmay lagu go’aamiyey in qorshaha nabadeynta ee gobolka laga soo qeybgaliyo Jabuuti.

Dhinaca kale, Xildhiaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo la socday wafdigii Soomaaliya uga qeybgalay shirkaas saddex geesood ah ayaa VOA u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya lahaa soo jeedinta in Jabuuti aan laga reebin himilada ah in gobolka Geeska Africa nabad lagu soo dabaalo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com