Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo isku dayaysa in ay bad-baadiso Fahad

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa isku dayaysa inay bad-baadiso ku xigeenka agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo waaxda socdaalka Kenya ay baaritaan ku hayso, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Africa Intelligence.

Fahad ayaa lagu tuhmayaa inuu haysto laba baasaboor oo Kenyan ah oo qaab sharci-darro ah uu ku helay, islamarkaana ay ku qoran yihiin taariikho dhalasho oo is-khilaafsan, islamarkaana khilaafsan kuwiisa Soomaaliya.

21-kii August, wargeyska caanka ah ee Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray in Fahad Yaasiin, oo adeegsanaya magaca Ahmed Fahad Daahir uu haysto basaboorka Kenya ee lambarkiisu yahay C024542 iyo kaarka aqoonsiga ama kibaandhaha ee lambarkiisu yahay 22847167, kuwaas oo hadda la baarayo sida uu ku helay.

Fahad Yaasin, ayaa Daily Nation uu sheegay, inuu sheegtay inuu Mandera ku dhashay 19-kii July 1978-kii, halka kaarkiisa aqoonsiga Soomaaliga uu caddeynayo inuu Soomaaliya ku dhashay.

Sidaas oo ay tahay ayaa haddana kaarkiisa kibaandhaha waxaa ku qoran inuu dhashay Apri, 5, 1978-kii, waxaana lasoo saaray 2001.

Wargeyska Africa Intelligence ayaa qoraya in wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu ka dhaadhicinayo dhiggiisa Kenya in xukuumadda Soomaaliya loo ogolaado inay arrintan ayada la macaamisho, hase yeeshee wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi uu diidan yahay inuu joojiyo baaritaanka.

Wargeyska ayaa sheegay in Fred Matiangi uu amray in Fahad la xiro haddii uu soo caga dhigo dalka Kenya. Dowladda Soomaaliya weli si shaacsan ugama hadlin arrntan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com