NISA: Hay’ad qaran, mise hay’ad dhaqameed? (Q.4)

Qaybta 4-aad. Halkan ka aqri qeybihii hore

Waxaa halkan si xushmad ku dheehan tahay u qirayaa in, kaddib markii aan bilaabay taxanaha qoraaalladaydii la xiriiray taariikhda Ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed, ay i soo gaareen e-maillo aad u fara badano oo iga soo gaaray  dadwayne fara badano oo ku xiran boggaan oo sida sharafta leh igu martigeliyey iyo xubno aad u tiro badan oo hore uga tirsanaa NSS-ta haddana ah qurbajoog qaranku dayacay. Nuxurka qoraalladooda waxay isugu jireen kuwo boogaadin ah iyo su’aalo badan oo ay iga codsadeen inaan intii karaakayga ah u iftiimiyo. Sidaa awgeed, waxaan garowsaday inaan waajibna igu ah inaan ka yara baxo xayndaabka qoraalkayga taxanaha ah, anigoo ku dadaalayo inaan aad u soo koobo.

Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, intii qurbajoogta ahayd aniguna ka mid ahaa horena uga tirsanaa ciidankaas ihaanada loo gaystay, waxaan dhowr jeer isku daynay inaan la xiriirno mas’uuliyiinta cusub ee ciidankaas oo qaarkood aan qurbaha kula kulannay, una caddaynay inaan diyaar u nahay, shuruud la’aan, inaan kaalin ka gaysanno sidii ciidankaas oo aan garanayno qiimaha uu  ugu fadhiyo qaran. Madaxdaas waxay isugu jireen kuwo hore uga tirsanaa ciidanka iyo kuwo aan weligood arag meel ciidan ku shirsan yahay iyo sida loo  hoggaamiyo. Waxaa nasiibdarro ah in midkoodna uusan dheg jalaq noo siin, waxaan halkan ka qirayaa inaynaan arrinkaas meesha uga harin kuluna xiriirnay telefoon si aan jawaab waafi ah uga helno. Ayaandarro, waxaan dhacday in xitaa markii dambe la dhibsatay wicitaankeenna. Sidaas ugama harin ee waxaan farriimo kala geddisan ugu farnay madax kala duwan oo ka mid ahaa wufuud ka qaybgalaysa shirar iyo martiqaad rasmi ah, in mowqifkeennu wax iska beddelin markii ay diyaar soo noqdaanna nala soo xiriiraan . Halkaas uguma harinee, waxaan isku daynay inaan la xiriirno hawlwadeennii hore uga tirsanaa ciidanka, hase yeeshee waxaa dawaanka ama jalka nagu yeeray markii na loo sheegay in hawlwadeennadaas ay ka soo hareen kuwo lagu tirin karo hal gacan farahooda, iyagiina buul yihiin. Waad garan kartaan jabka iyo moraal xumida nagu wada dhacay.

Waxaa marag ma doonto ah in NSS-tu ku tiirsanayd qabiil la yiraahdo “Waddaniyad”, waxayna lahayd hal cadow oo ah qof kasta oo wax u dhimaya qarannimada iyo jiritaanka midnimmada Soomaalieed, kuwaasoo ah kuwii soo gaarsiiyey inay kalsooni ka kasbadaan shacabka. Waxaan Tusaale ahaan, waxaa nagu filan inaan halkan ku xusuusanno in shacabka ay ka codsanayeen Madaxweynaha JDS in baarista dacwadahooda loogu wareejiyo Hoggaanka Baarista Dembiyada ee NSS, iyagoo saluugsan hay’adaha baarista qaarkood. Waxaan jeclahay inaan idinla wadaago dhacdo ka mid ah kuwii  igu xanuunka badanayd. Abbare 5 sano ka hor ayaan waxaan qurbaha kula kulmay sarkaal aan wadashaqayn naga dhexaysay muddo ku siman 1976 ilaa burburkii. Muddo laba saac ku siman ayaa waxaan iska waraysannay xaaladda waddanka iyo nolosha qurbajoogta. Intii aan is waraysanaynay ayaa waxaan dareemay inay la ciirciirayo inuu su’aal i weydiiyo. Markii aan u adkaysan waayay kurbada iigaga muuqatay ayaan waxaan ku iri: Maxaad la gabbanaysaa oo aad doonaysaa inaad i weydiiso illayn waan is fahmaynaa?  Wuxuu igu yiri: Waxaan soo qaban la’ahay qabiilkaaga. Waxaan ku iri: Ma waxaanad ilaa hadda ogayn inaan isku qabiil nahay? Wuxuu iigu jawaabay ma. Markaasaan ku iri: Qabiilkaygu waa Soomaali. Intuu dhoolla caddeeyay ayuu yiri: Sheekadaas waa laga soo tagay ee runta ii sheeg. Waxaan ugu jawaabay: Been kuuma sheegin, waana kala tagnay. Run ahaantii, anigu lama fajacin su’aashu uu i weydiiyey, laakin waxaan aad uga xumaaday isagoo ka baxsan in waxa uu ila hor yimid ay tahay waxa maanta Qaranka meesha dhigay. Tusaalahaasi waxaan uga dan leeyahay inaan markhaati ka ahay in NSS-tu ay isu ahayd qoys aan qabiil lahayn. Anigu ma dhihi karo NSS-tu waxay ahayd ceeb ka-saliim, waayo waxay ka koobnayd aadanno (Human Beings), aadanuhuna wuxuu isugu jiraa mid daacad ah iyo mid mujrim ah. Waxaa intaas u dheer inay adeegsan karto shuruuc iyo xeelado si ay habsami ugu fuliso hawlaha xasaasiga ah ay u xilsaaran tahay, sida hay’adaha kale ee dunida.

Mabaa’dida ay ku qotontay NSS-tu waxaan ka mid ahaa inaanu ka mid noqon karin qof ajnabi ah oo jinsiyad shisheeyey haysta kuna dhaartay Das’tuurkeeda. Waxaa kaloo xaaraan ahayd in xubinta NSS-tu xiriir la yeelato ajaanib, marka laga reebo xubno cayiman oo xiriir wada-shaqayn ka dhaxayso hay’adduna u xilsaartay kana warqabto. Maantana waxaad markhaati iiga tihiin in Hoggaanka Qaranka uu gacanta ugu jiro shisheeye. . Haddaba, su’aashu waxay tahay: “Sidee ku dhici kartaa in ajaanib ku dhaartay  Dastuur Shisheeyey aan ka dhowrno inay noo horseedaan ilaalinta qarannimada iyo midnimmada Soomaaliyeed?

Diinteenna muqaddaska  ee Islaamka ah waxay si cad u qeexaysaa in qofka muslimka ah ee doonayo inuu guursado haweenay aan muslim ahayn , waxaa shardi ah in marka hore ay ka tanaasusho diinteeda kuna soo biirto Diinta Islaamka. Haddaba, shardigan wuxuu caddaynayaa in qof laba caqiidadood aaminsan uusan noqon karin haba yaraatee qof aan lagu tashan karin, waayo meel loo raaco ma leh, lagamana rumaysan karo inuu daacad noqonayo. Sidaa awgeed, ilaa laga saxayo qodobkan, waa habeenkii xalay tegay inaan khayr ka sugno. Anigu ulama jeedo in qofkaas inaan xil lagu aamini karin, hase yeeshee waxaa shardi ah in haddii uu doonayo inuu xil qaran qabto, siiba heerka sare ama siyaasadeed, inuu ka tanaasulo jinsiyadda shisheeye.

La soco qaybaha xiga

W/Q: Ahmed Karate
e-mail: amm.karate@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid