Kadib dalabka DF, Golaha Ammaanka oo go’aamiyey in lasoo afjaro howl-galka…

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa Jimcihii u codeeyey in saddex bil oo kaliya lagu kordhiyo howlgalka ciidamada caalamiga ah ee badda Soomaaliya ee lagula dagaalamo burcad badeedda, kadib markii dowladda federaalka ay dalbatay inay si buuxda u maamusho biyaheeda.

Qaraarka oo ay soo diyaarisay dowladda Mareykanka ayaa lagu ansixiyey cod aqlabiyad oo ah dhammaan 15-ka dal ee golaha.

Faransiiska ayaa ka digay in muddada lagu kordhiyey howlgalka ay aad ugu gaaban tahay inay howlgalkan oo ay hoggaamiyaan dalalka Yurub uu si wanaagsan u shaqeeyo, islamarkaana uu abuurayo “firaaq amni.”

Ayada oo muddo sanado ah uu jiro howlgalkan “wax weeraro ah ma aysan dhicin afar sano,” waxaa sidaas yiri isku-xiraha howlgalka Faransiiska ee QM Sheraz Gasri.

Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in xaqiiqda ah in afar sano oo xiriir ah aysan weeraro burcad badeed ka dhicin badweynta Hindiya loogu cudur daari karo in howlgalka lasoo geba-gebeeyo.

Saddexda bil ee lagu daray howlgalka “wuxuu ogolaanaya marxalad kala guur oo ah wada-shaqeyn militari,” waxaa sidaas yiri ergeyga Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, isaga oo ammaanay sida howlgalka uu “ugu guuleystay” cirib-tirka burcad badeedda.

“Waxaan rumeysannahay in qaraarada Golaha Ammaanka ee burcad-badeednimada iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya ay ku guuleysteen hadafyadii laga lahaa,” ayuu yiri Danjire Abuukar.

“Maqnaanshaha burcad badeedda wax shaki ah ma gelineyso xaqiiqda ah in sii wadista ciidameynta qarankeena iyo dhul-badeedka ay tahay arrin aan xiriir la laheyn burcad badeedda iyo dhaca hubeysan ee Soomaaliya. “

Intii uu socday kulanka Golaha Ammaankam, Soomaaliya ayaa si xooggan u diiday muddo kordhin hal sano ah, waxayna ku baaqday in dib looga fiirsado siyaasadda. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii