Xog ka cusub shirka u socda Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib uga furmay wejiga labaad shirweyne ay leeyihiin xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, kaas oo haatan ka socda hotelka Jaziira oo fadhi gaar ah u ah xubbnaha mucaaradka ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya inta badan Musharixiinta Mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha, waxaana horkacaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif.

Intiisa badan waxaa shirkan oo daba socda kulamo horay u dhacay diiradda lagu saarayaa xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan dooda ka taagan doorashada Golaha Shacabka dalka.

Sidoo kale xubnaha Musharixiinta ah ayaa si gaar ah uga tashanayo tallaabooyinka ay qaadi lahaayeen ee ku aadan boob ay sheegeen in lagu hayo doorashooyinka dalka.

Gabagabada shirkooda ayaa la filayaa inay soo saaray go’aanno cad oo ku aadan xaaladda haatan dalka uu wajahayo oo ay ugu horreyso muranka ka dhashay doorashada socota.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa horay u soo saaray qoraallo is-daba joog ah oo ay ku weerareen Villa Soomaaliya, waxaanna ay ku eedeeyeen inay ku shubaneyso doorashada.

Si kastaba, xaaladda cakiran ee taagan ayaa horseedi kara in dalka markale uu galo qalalaase siyaasadeed, waxaana jirta in aysan weli waxba ka dhaqan-gelin qodobadii kasoo baxay kulan ay horay u yeesheen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe & mucaaradka.

Soomaaliya ayaa waxaa ku daba dheeraaday ka gudubka xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay daaha doorashada oo ay weli isku hayaan mucaaradka & dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii