Jeneraal Biixi oo soo saaray amar xasaasi oo ka dhan ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa digniin culus u diray dhammaan ciidamada Xoogga, wuxuuna tilmaamay in tallaabo adag oo sharci ah ay ka qaadi doonaan askarigii dila qof shacab ah.

Biixi oo soo hadal qaaday dilalkii ka dhacay Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay in askari ka tirsan Xoogga dalka uu dilo qof shacab ah, halkii uu sugi lahaa amnigiisa.

Taliyaha ciidamada Dhulka ayaa sidoo kale ku dhaartay in askarigii qof shacab ah xabad ku fura inay geyn doonaan tiirka, si isna looga qaado tallaano waafaqsan sharciga.

“Waa dhacdo aad u fool xun waxaan rabaa inaan halkan uga faa’iideysto dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed meelo joogo ama ha noqdo mid Staff ah oo madax la socda ama ha noqdo mid ciidan oo Xoogga dalka ka tirsan, qofkii qof shacab ah xabad ku rida Wallaahi tiirka maxkamaddaan geyneynaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada dhulka, Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Dadkii aad u soo tababarateen oo amnigooda aad u dhaarateen in qal-qal la geliyo oo si sahlan xabado loogu furana xaq ma’ahan, mana yeeleyno,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in askarta haatan lasoo qabtay ee loo heesto dilalkii ka dhacay Muqdisho inay horgeyn sharciga, wuxuuna sidoo kale shacabka ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon amni darrada oo ay la shaqeeyeen laamaha amaanka.

“Kuwa hadda lasoo qabtay sharciga ayaan horgeyn doonaa waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed amni darrada in aysan qeyb ka noqonin,” ayuu sii raaciyey.

Labadii habeen ee lasoo dhaafay ayaa waxaa wadada Maka Al-Mukarama ka dhacay dilal oo loo geystay saddex dhalinyaro ah oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo wada dhashay, waxaana dilalkaasi fuliyey askar ka tirsan ciidamada dowladda oo mar dambe lasoo qabtay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii