CC Shakuur: Waxaa dhacay qiyaamihii xukunka Farmaajo waxaana caddeyn u ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qormo uu cinwaan uga dhigay “Haddii xukunka dad aan ehelkiisa aheyn loo dhiibo, suga qiyaamihii” waxuuna qormadaan uga hadlay dhalinyadii ay ciidamada dowladdu xalay iyo habeen hore ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu xanuunka geerida iyo tiiraanyada tacsida la qaybsanayo Allah u naxariistee ehelka iyo asxaabta Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta oo xalay ay dileen ciidamo ka tirsan dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkan uu soo saaray waxuu ku sheegay in marxaladaan uu dalkeenu ku jiro ay u muuqto inuu dhacay qiyaamihii xukunka Farmaajo, balse loo baahan yahay in laga fekero sidii looga fujin lahaa xukunka, isagoo aan dhib geysan.

“Nabigeenna waxaa laga wariyey “Haddii xukunka dad aan ehelkiisa aheyn loo dhiibo, suga qiyaamihii” cullimada qaar ayaa ku fasiray, in qiyaamaha dhacaya uu yahay kan xukunkaas ee aysan ahayn qiyaamihii waynaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qiyaamaha xukunka Farmaajo in uu dhacay uu caddeyn u yahay hadalkii ay xalay tiri hooyada dhashay Sowdoa iyo Sakariye – wiilkii iyo gabadhii walaalaha ahaa ee xalay la dilay, kaas oo ahaa “Caddaalad ka sugi maayo, sababtoo ah kuwii iga horreyeyba ma helin.”

“Ma aha in caddaalad la waayey ee waa laga quustay. Qayladii waaliddiintii ubadkooda Eriteria loo qaaday ayaa korkeenna ku dhammaatay, illinta Maamo Qaali ayaa nagu kor qubatay. Sidoo kale hooyada Sowda iyo Sakariya, iyo waalidka Mahad,” ayuu yri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Xukunka Farmaajo waa dumay, laakiin in uu xoog ku joogo ayaa ka go’an. Waa in ka fekernaa sida ugu dhibka yar ee la isku dhaafin lahaa.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii