Rooble oo amar culus soo saaray kadib dilalkii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo war kasoo saaray dilalkii ka dhacay Muqdisho ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in haatan gacanta lagu soo dhigay askar ku eedeysan falalkaasi.

Rooble ayaa sidoo kale amray in si deg-deg ah sharciga loo horgeeyo eedeysanayaasha, si ay cadaalad u helaan dhibanayaasha iyo ehelladooda.

“Waa tallaabo wanaagsan in ciidammada ammaanku soo qabteen eedaysanayaashii. Waxaan  farayaa in si deg deg  ah sharciga loo hor geeyo si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kaled wuxuu tacsi u diray ehellada dhalinyaradii habeenadii lasoo dhaafay lagu dilay Muqdisho, gaar haan Zakariye Maxamuud, Sowda Maxamuud iyo Mahad Cabdiraxmaan, Maxamuud, wuxuuna intaasi ku daray in xanuunka iyo murugada uu la qeybsanayo ehellada.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa una tacsiyeynayaa qoysaskii ay geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda  Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Booliska Soomaaliyeed uu shaaciyey in gacanta lagu soo dhigay eedeysanaay loo heesto dilalka dhalinyaradaasi oo si weyn looga xumaaday.

Si kastaba, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan dilal ka dhan ah rayidka ka geysta magaalada Muqdisho, kuwaas oo sii kordhayey maalmihii lasoo dhaafay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii