Somaliland oo ku dhowaaqday go’aan culus oo ka dhana QM

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale shaacisay inay gebi ahaanba joojisay wada-shaqeyntii Qaramada Midoobay iyo howlihii ay ka waday gudaha Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay mashaariicda Qaramada Midoobay u joojiyeen kadib markii ay arken inay wax u dhimayso gooni isku taaga iyo madax-banaanidooda.

Waxa uu sheegay in Somaliland ayada oo ka fikireysa qadiyadeeda gooni isku-taaga ay markale hakisay dhamaan wixii mashaariic ahaa ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen deegaanadeeda.

“Waxaanu isweydiinay ma waxaad qaadataan, wax madax-bannaanidiina iyo dadka doonistooda waxyeeleeya, oo ah mashaariic yar-yar oo UN-tu bixiyaan, mise dadka madax-bannaanidoodii ayaad u ilaalisaan, loona dhiman maayo mashaariicda UN-tu bixiso,” ayuu yiri Wasiir Koore.

Waxa uu intaas kusii daray in mashaariicda QM ay meel ka dhac ku yihiin doonista shacabka reer Somaliland, maadama uu sheegay in la siyaasadeeyay. Wasiirka marnaba ma sheegin nooca mashaariicda la joojiyey.

Ma aha markii u horeysay ee Somaliland ay joojiso mashaariic ay hay’addaha Qaramada Midoobay ka fulinayaan deegaanadeeda, ayada oo markii u horeysay ee ay ku dhawaaqdo inay joojiso wada-shaqeynta Qaramada Midoobay ay aheyd sanadkii 2019-kii.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, waxayna si adag uga hortimid in deeqaha la siinayo lasoo marsiiyo dowladda federaalka Soomaaliya, waana midda u weyn ee keentay khilaafka QM iyo Somaliland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii