Wararkii ugu dambeeyey Itoobiya iyo dugsiyada sare oo sabab yaab leh loo xiray

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxda Sare ee dalka Itoobiya ayaa xiray dhammaan dugsiyada sare  ee ku yaalla dhamamaan ismaamulada iyo caasimada.

Dowladda ayaa ku sheegtay sababta in ardaydu ay dadka beeroleyda ahi ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada.

Wasiirka waxbarashada Itoobiya ayaa sheegtay in dugsiyada sare ay xirnaan doonaan muddo hal usbuuc ah oo ka billaabanayso isniinta soo socota.

Waxaa uu sheegay in dad badan oo ka shaqeyn jiray beeraha iyo soo gurida dalagyada ay ku biireen dagaalka ka dhanka Kooxda TPLF.

Inkastoo wax colaad ah aysan ka jirin dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya, haddana xafiiska waxbarashada deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in dugsiyada sare ee deegaanku ay xirnaanayaan muddadaasi usbuuca ah, si loogu hoggaansamo amarka wasaaradda waxbarashada ee heer federaal.

Cabdulqaadir Macallin Shukri oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in maadaama gobolku aysan ka jirin beero badan muddadaasi ardayda deegaanku ay ka qeyb qaadan doonaan olole ay wasaaraddu billaabeyso sida dhiig shubid iyo in niyad ahaan la taageero dagaalka ciidamada dalkaasi Itoobiya ay uga soo horjeedaan ururka TPLF.

In ka badan laba milyan oo arday ah ayaa horay uga maqnaa dugsiyada dalkaasi sababo la xiriria colaadda dalkaasi oo sanad ka hor ka soo billaabatay gobolka woqooyi ee Tigray

Xilli dagaalku uu sii xoogaysanayo ayaa ciidamada dawladdu Itoobiya waxay sheegeen in ay magaalooyin badan ka qabsanayaan fallaagada TPLF.

Arbacadii dhaweyd ayaa ciidamada dowladda waxay ku dhawaaqeen in ay dib u qabsadeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii