Xog: Shirkii mucaaradka oo lagu kala qeybsamay iyo Villa SOMALIA oo saameysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamada magaalada Muqdisho uga socda golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay ku soo dhamaadaan fashil, iyagoo aan isku raacin go’aan mideysan.

Sida aan xog hoose ku helnay kulankii shalay ee golaha midowga musharaxiinta waxaa ka jiray is bedel ka muuqday musharaxiinta qaar, waxaana la aaminsan yahay in Villa Somalia ay si dadban u faro-gelisay shirka.

Musharaxiinta qaar ayaa rajadooda kor loo soo qaaday, waxaana la sheegay in balan qaadyo loo soo marsiiyey madaxda dowlad goboleedyada qaar.

Qorshihii shirka midowga musharaxiinta ee shalay waxa uu ahaa in loo gudbo wajiga labaad ee shirka oo ajendihiisu ahaa ‘Maxaan dhisan karnaa, maadaama doorashada aanaa qeyb ka aheyn.”

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in xubnaha qaar ay dib uga gurteen go’aanka ah in la abaabulo doorasho is garab taalla iyo dhismaha gole qaran.

Musharaxiinta qaar waxay shalay ka gaabsadeen in shirkii socday ay fikirkooda ka dhiibtaan, halka qaarna ay la yimaadeen shirka dabacsanaan sidii hore ka duwan.

Dhowr musharax ayaa la sheegay inay miiska la yimaadeen in xalka Ra’iisul wasaaraha la qaato oo kuraasta lagu muransan yahay laga doodo, doorashada socotana loo hoggaansamo.

Sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan midowga musharaxiinta, kooxda uu is bedelku ku dhacay, waxay xoojinayaan fikirka ah in mucaaradku uusan abaabulin Badbaado Qaran 2, dhismaha gole qaran ama laba doorasho oo is barbar socota.

Musharaxiinta qaar waxay muujiyeen walaac maaliyadeed, iyagoo ku dooday inay adag tahay, in hadii qorshahaan la dhaqaajiyo loo baahan doono dhaqaale badan iyo garab ciidan oo xoog leh, balse waxaa lagu tilmaamay rag u muuqday inay iibinayaan fikrad loo soo dhiibay.

Shirkii midowga musharaxiinta ee shalay waxa uu burburiyey dhamaan shirarkii golaha u socday maalmahaan, waxaana goobta shirka ka tegay xubnaha qaar, iyagoo niyad jabsan, halka ragga qaarna loo fahmay in Villa Somalia laga soo hadlay oo wax-sarifasho ay ku jiraan.

“Iyadoo ay jirtay aragtida ah in mucaaradka Soomaaliya uusan mabda’ mideysan laheyn, hadana in ragga qaar ay ku qancaan in Rooble ama Qoo Qoor ay si un uga caawin karaan inuu xukunka dalka qabto, waxay aheyd lama filaanka shirka,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha midowga musharaxiinta.

Markii lagu guul-dareystay in loo gudbo wajiga labaad ee shirka, ayaa waxaa la sheegay in xubnaha qaar ay soo jeediyeen in shirarka la sii wado oo maanta lagu casuumo Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Musharaxiinta qaar ayaa la sheegay inay ku nafiseen aragti shirka la keenay oo aheyd in mucaaradku ay soo jeediyaan qodobo ay ku dalbanayaan inay door ku yeeshaan doorashada socota, balse qodobo badan oo horay mucaaradku u dalbaday ma jirin cid xalisay.

Jahwareerkii ku dhacay shirkii mucaaradka iyo sida ragga qaar ay isku dhiibeen waxaa lagu qeexay, in Villa Somalia ay shirka soo faro-gelisay oo musharaxiinta qaar ay iska dhigeen ergo idman, si ay doorashada ugu guuleystaan.

Dadka siyaasadda falanqeeya waxay leeyihiin, “Mar hadii Farmaajo iyo Fahad iyagoo isticmaalaya kanaalo kale ay awoodeen inay fashiliyaan shirkii mucaaradka, waa iska cadahay cidda Soomaaliya xukumi doonta afarta sano ee soo socota.”

Horay waxaa banaanka u taalay xanta ah in mucaaradka qaar aysan isku aragti ka aheyn hanaanka ay wax u socdaan, balse labadii cisho ee lasoo dhaafay waxaa la sheegay in musharaxiinta qaar ay aad isku bedeleen.

Haatan waxaa la sugayaa in mucaaradku war soo saaraan oo hadallo jeediyaan, laakiin ma jiro go’aan mideysan, waxayna ku dhici waayeen damacoodii ahaa inay awood is bidaan, waxaana la aamisan yahay in fashilkan uu ku keenay dadaalka ay gelisay Villa Somalia.