Wada-hadalladii Mareykanka iyo Iran oo lagu kala-tegay kadib tallaabo ay qaaday Iran

Vienna (Caasimada Online) – Wada-hadallada aan tooska aheyn ee Mareykanka iyo Iran ee la doonayo in lagu badaabadiyo heshiiskii Nukliyeerka 2015 ayaa lagu kala tegay kadib markii Iran ay soo bandhigtay dalabyo xooggan oo ka yaabiyey saraakiisha Yurub.

“Iran iminka uma muuqato inay dhab ka tahay inay sameyso waxa lagama maarmaanka ah si ay ugu soo laabato u hoggaansanaanta heshiiska, taasina waa sababta aan usoo geba-gebeynay wareeggan wada-hadallada Vienna,” waxaa sidaas yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken. 

“Haddii waddada loogu soo laabanayo u hoggaansanaanta heshiiska aysan guuleysan, waxaan qaadi doonnnaa tallaabooyin kale,” ayuu yiri isaga oo aan bixin sharaxaad.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in wafdiga Iran ay soo jeediyeen isbeddelo lagu sameeyo qoraalka horey looga wada-xaajooday oo ay rumeysnaayeen in 70-80% uu dhameystirnaa.

“Shan bilood ka hor, Iran waxay joojisay wada-xaajoodyadii. Wixii markaas ka dambeeyey waxay sare u qaaday barnaamijkeeda Nukliyeerka. Toddobaadkanna waxay dib uga laabatay horumarkii diblomaasiyadeed ee la sameeyey,” Waxaa sidaas bayaan ay soo saareen ku yiri saraakiisha France, Britain iyo Germany. 

Saddexdan dal ee reer Yurub ayaa “niyadjab iyo walaac” ka muujiyey dalabyada Iran, kuwaas oo qaarkood ay sheegeen inaysan la jaanqaadi karin qodobada heshiiska. 

Heshiiska Nukliyeerka oo la saxiixay 2015 ayey Iran ay ku ogolaatay in xaddido barnaamijkeeda Nukliyeerka, waxaa taas beddelkeeda laga qaaday cunaqabateynadii la saaray.

Hase yeeshee Mareykanka ayaa heshiiskaas ka baxay 2018 intii uu madaxweyne ahaa Donald Trump, wuxuuna dib usoo celiyey cunaqabateynadii saarnaa Iran, waxaana ayada oo ka jawaabeysa Iran ay joojisay u hoggaansamidda heshiiska.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in wareegan wada-hadallada aysan miro-dhali doonin, wuxuuna tusmeeyey suurta-galnimada ah in dalal kale ay kusoo biiraan, sida kuwa Khaliijka Carabta.

“Waxaan u maleynayaa inay adkaan doonto in heshiis la helo haddii aanay dalalka Khaliijka, Israel ama kuwa amnigooda uu si toos ah u saameynayo aanay ka qeyb qaadan,” ayuu yir isaga oo ku sugan Dubai oo uu booqasho ku tegay. 

Wada-xaajoodaha Iran ee Nukliyeerka Ali Bagheri Kani ayaa sheegay in mowqifka Iran uu yahay in maadaama Washington ay ka baxday heshiiskii hore ay marka hore qaado tallaabada ugu horreyso oo ay ku qaado dhammaan xayiraadaha dhaqaale. 

Waxa uu sidoo kale dalbaday in Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ay ballan-qaadaan in aan wax cunaqabateyno ah aan mustaqbalka la saari doonin Iran. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii