Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa deg deg uga jawaabay fadeexad banaanka usoo baxday maanta, taasi oo la xiriirtay heerka nadaafad iyo tayo xumo ee musqulaha garoonka.
Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaan Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo saaka qoraal soo saaray, kaasi oo uu kusoo lifaaqay sawirro uu kasoo qaaday musqulaha garoonka, ayaa waxaa laga dheehan karayey in garoonka ka jirtay nadaafad darro tii ugu xumayd.
Arrintan oo sawir foolxun ka bixineysay dalkeenna ayaa waxaa markiiba maanta ka jawaabay maamulka garoonka, kuwaasi oo horey u dayacay balse saaka markii uu banaanka yimid sawirada xaaladda ka jirta halkaasi ay dib u habeyn iyo beddelis ku bilaabay musqulaha garoonka oo cabasho badan ka taagneyd.
“Mahadsan yihiin maamulka Aiport iyo Shirkada Favori. Waa mahadsan yihiin maamulka Aaden Adde International Airport iyo shirkada maamusha ee Favori, oo isla maanta ka hawlgalay inay bedelaan Musqlihii AirPort ee cabasho badan ka taagnayd, saakayna aan ka sameeyey qoraal yar,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi Nuur Cismaan oo isagu saaka sii daayey sawirada iyo xaaladdii xumeyd ee ka taagneyd garoonka.
Inkasta oo cabashada ay muddo jirtay haddana qoraalka guddoomiyaha hay’adda Hormuud Salaan Foundation oo si weyn ay u baahisay warbaahin ay Caasimada Online kamid tahay ayaa soo dadajisay tallaabada ay qaaday shirkadda gacanta ku haysa garoonka Aadan Cadde ee Favori.
Guddoomiyaha Hormuud Salaan Foundation ayaa markale iftiimiyay meelo weli u baahan wax ka qabasho iyo kuwo u baahan joogteyn kadib tallaabada ay isla maanta qaadeen maamulka garoonka.
“Waxaan ka rajeeynaa maamulka iyo Shirkada Favori ineey ku dedaalaan qodobadaan;”
- Inay hagaajiyaan Nadaafada Musqulaha oo kormeer iyo joogteyn lagu sameeyo.
- In Musqulaha loo sameeyo Tubada lagu Istijoodo, lana soo dhigo Warqadaha loo Isticmaalo musqulaha.
- In la hubiyo in aanay Saabuunta Gacmaha lagu dhaqdo ka go’in.
- In la hagaajiyo Nalalka Musqulaha oo marar badan haleeysan
- Dhanka kale Gudaha AirPort Mowlaca yar ee ku yaal ee lagu dukado in la hagaajiyo, gogol fiicana lasoo dhigo.