Kadib geeridii Taliye Golcad wasiirka difaaca oo qoraal laga yaabay soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraalka dadka ka yaabshay bartiisa Facebook soo dhigay, saacado kadib markii la dilay sarkaal sare oo xoogga dalka ka tirsanaa iyo ciidankii uu watay, qaar kalane ilaa hada nolal iyo geeri lagu la’yahay.

Qoraalka Wasiirka ayaa u muuqday mid uu ku difaacayo Xukuumadda uu katirsan, kuna mashquulay arrimaha siyaasadda, halkii uu xoogga saari lahaa shaqadii loo xilsaaray ee wasaaradda gaashaandhigga oo kaalinteedii ku fashilan.

Sarkaalkii labaad ee ugu sareeyey ciidanka xasilinta caasimadda iyo askar badan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Busley ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna dadku aad ula yaabeen warkii uu soo qoray Wasiir Jaamac, xilli tacsida sarkaalkaas ay buux dhaafisay baraha bulshada.

Wasiirka ayaa qoraalka dadka ka yaabiyay ku yiri “Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin horaa loo yiri, hadda aber miyaa?” Hadii aragtidooda ka dhiibtay qoraalkaan waxay wasiirka u sheegeen nin aan wax arxan ah u heyn ciidamada qaranka ee loo dhiibay.

Qoraalkaan waxaa la qiyaasay in wasiir Jaamac oo ku cabitaayey dareenkiisa dooda ka taagan dhameystirka dastuur, balse waxaa u taalla shaqo ka baaxad weyn tan dastuur oo dowladdu u xil-saaratay, laakiin dayacaad weyn ay ka muuqato.

Xaaladda siyaasadda Soomaaliya ayaa kasii dareysa maalmihii dambe, waxaana hadalo kulul warbaahinta isu marinaya madaxda dowladda iyo madaxdii hore ee dalka, waxayna dhamaan doodahaan iyo khilaafaadka jira ka dhasheen wax ka bedalka Dastuurka oo doodiisa ay ka socoto baarlamaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil badan ku weysay dagaalka labada sano ka socda dalka, lix sarkaal oo muhiim ah oo Liibaan Golcad oo Sabtidii la dilay uu ugu dambeeyey ayaa lagu dilay weerarro isku nooc ah oo Shabaab ay ku soo qaadeen ciidamada qaranka.

Habac weyn ayaa heysta wasaaradda gaashaandhigga, wasiirka iyo taliyaha xoogga ayaa isku dhacay, taasina waxay qalqal gelisay jiritaanka ciidanka xoogga dalka, maadaama ciidamada qaar dagaalo qaraar ay la kulmeen, halka ciidamada qaar ay waayeen mushaarkoodii.