Kadib go’aanka QM, Eritrea oo yasmo iyo isla-weyni kula dhaqmeysa Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Djibouti iyo Ereteriya ayaa kala taagan laba jiho oo aad u kala durugsan. Djibouti waxay doonaysaa heshiis iyo isfaham hor dhex mara Ereteriya, laakiin Asmara ayaa u muuqata inaanay u jeedin.

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Ereteriya ka qaaday cunaqabatayntii dhinaca hubka ee saarnayd muddo toban sannadood ku siman. Dawladda Djibouti ayaa ka mid ahayd xoogagii ku guulaystay inay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ku qanciyaan sannadkii 2009 in Ereteriya la saaro cuno qabatayn, laakiin Djibouti ayaan wakhtigan ka mid ahayn dedaalada Ereteriya lagaga qaaday cuno-qabataynta hubka ee saarnayd.

Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa farriimo kala duwan oo uu 72-kii saacadood ee ka dambeeyay xayiraad ka qaadista Ereteriya, wuxuu twitterkiisa ku qoray farriimo kala duwan oo uu ku sheegayo in Djibouti diyaar u tahay inay wanaajiso xidhiidhka Ereteriya islamarkaana soo celiso xidhiidhadii kala duwanaa ee labada wadan ka dhaxayn jiray.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf , wuxuu farriimihiisa mid ka mid ah ku yidhi “Wakiilka Djibouti ee Qaramada Midoobay, warkiisa uu ka yidhi golaha ammaanka kagamuu soo horjeedsan in Ereteriya laga qaado cuno qabataynta.” Ayuu yidhi, si buu yidhi ay labada wadan dib ugu bilaabaan wada hadal wax dhisaya.

Mar labaad Wuxuu Wasiir Yuusuf sheegay in dawladda Djibouti ay dhinaceeda ka shaqayn doonto wax kasta oo lagu soo celinayo xidhiidhka labada dal laguna xalinayo faraqa u dhexeeya Ereteriya iyo dalkiisa, waxaanu xusay in Djibouti diyaar u tahay inuu guulaysto kulankii ay labada Madaxweyne ee Ereteriya iyo Djibouti ku yeesheen dalka Sucuudiga bishii September ee sannadkan.

Laakiin Ereteriya ayaan marna soo hadal qaadin Djibouti, waxaanay meesha ka saartay inay xataa kelmad ka tidhaahdo hadalada dabacsan ee ay Djibouti ku doonayso inay kula saaxiibto Ereteriya.

Dadka diblomaasiyadda falanqeeya ayaa aaminsan in Ereteriya laabta ku haysato qorshe ka duwan midka Djibouti ee dabacsan. 72 jirka Ereteriya hoggaamiya Mr. Afawerki, wuxuu maanka ku hayaa in dagaalkii Djibouti dhex maray uu sabab u ahaa xayiraadda la saaray dalkiisa iyo go’doonkii ay Ereteriya ka gashay dunida iyo gobalka Geeska Afrika.

Wuxuu u muuqdaa in Mr. Afawerki maanta doonayo inuu ka aarsado Djibouti oo uu geliyo go’doon la mid ah kii la geliyay Ereteriya, isagoo hoosta gashaday dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya oo waagaas la saftay Djibouti.

Si kastaba ha ahaate, culayska saaran Djibouti iyo culayska ka degay Ereteriya wuxuu ka mid yahay dabaylaha isbedel ee ka socda gobalka Geeska Afrika oo uu hormuud u yahay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com