Qorshaha ciidamada badda ETHIOPIA kuma wajahna oo kaliya SOOMAALIYA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa laheyd ciidan badeed xiligii ay dalweyne wada ahaayeen Ethiopia iyo Eritrea, waxii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee dunida, laakiin markii Eritrea ay ka go’day dhul ahaan dalka Ethiopia waxaa meesha ka baxay ciidankii badda Ethiopia.

Dhismaha iyo dib u qabalabeynta ciidamada Ethiopia waxaa la sheegayaa inay ku baxeyso dhaqaalo badan, maadaama ay horey u xooganaayeen ayna heysteen qalab iyo tababar wanaagsan.

Dadka falanqeeya arimaha ciidanka badda ayaa sheegaya in dhismaha ciidamada badda ee Ethiopia aysan muhiimadda koowaad u aheyn biyaha badda Soomaaliya, balse ay jiraan dalal kale oo ka muhiimsan.

Dalka Eritrea ayaa la aamisan yahay in muhiimadda koowaad uu u yahay ciidanka badda Ethiopia, waxaana ahmiyadda labaad u ah dalka Jabuuti , iyadoo Soomaaliya la sheego inay kaalinta seddexaad ugu jirto.

Ciidamadaasi ayaa ujeedada laga leeyahay waxaa dadka falanqeeyayaasha ah ku sheegayaan inay tahay inay ilaaliyaan dekado Ethiopia ay dooneyso inay maalgashi ku sameyso kuwaasi oo gobolka ku yaal.

Waxaana Dekadaha ugu horeeya loo malaynayaa inay yihiin kuwo ku yaala Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya oo hadda xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com