Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ma sii jiri doonaa? (Xog-warran)

Sida la wada ogsoonyahay Golahaan waxaa lagu aasaasay kulankii madaxda shanta maamul Goboleed isugu yimaadeen magaalada Kismaanyo ee xarunta maamulka Jubbaland. Aasaaska Golahaan ayaa ahaa mid lagu fududaaday oo micno badan aanan ku dhisneyn, mana lahayn hadaf fog oo keeni kara sii jiritaanka Golaha. Wuxuu ahaa gole sii kala fogeynaya wadajirka iyo midnimada Soomaalida. Taasi waxay keentay in soomaalidu soo dhoweyn Golahan.

Golahaan oo ku dhisnaa dano gaar ah oo ay lahaayeen madaxda maamul goboleedyada ayaa ujeedkiisa ugu muhiimsan ahaa in maamul goboleedyada ku qalqal geliyaan Dowladda Dhexe sidaas daraadeed wuxuu si toos ah ugu hor imaanaayey Dastuurka ku meelgaarka ee Dalka. Waxkastoo ka soo horjeedo dastuurkuna waa baadil.

Madaxda Maamul goboleedyada hadday ka shaqeynayaan danta soomaalida waxay aasaasi lahaayeen gole iskaashi oo ka shaqeeya amniga, siyaasadda loo dhan yahay iyo dhaqaalaha. In aan waxba u qabsooneyn maamuladan waxaa daliil u ah’ “markay isu imaanayaan waxay isku soo maraan hawada waxayna qarash badan ku bixiyaan diyaarado”.

Madax maamul goboleed mise hoogaamiye kooxeedyo?

Madaxda maamul goboleedyada ayaa astaamo badan la wadaaga hogaamiye kooxeedyadii soo maray dalka dowladdii militeriga ka dib. Waxaana tusaale inooga filan hadaladoodii ahaa: Halkaan anaa ka taliya, dowladda lama shaqeyneyno, dowladda waa inay sidaan rabno yeeshaa, dowladdu waxay ka talisaa mogdisho, inta kale anagaa ka talina iyo waxyaabo kaloo ka dhan ah dowladnimada.

Ugu dambeyn Golahaan ayaan sii jiri doonin maadaama laba xubnood oo lafdhabar u ahaa Golaha ay ka baxeen ( Madaxweyne Waare iyo Shariif Xasan oo ahaa gudoomiyaha Golahaan), sidoo kalena waxaa hadda xaalkiisu u dhowyahay in madaxweyne Xaafna iskaga baxo Golahan maadaama duruufo badan haystaan, sidoo kalena waxaan rajo badan laga qabin soo laabashada C/wali Gaas iyo Axmed Madoowe oo labaduba waqtigoodu dhammaaday, doorashooyin adagna wajahi doonaan maalmo kooban ka dib.

Sidaa daraadeed ma sii jiri doono Golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo ku dhisnaa dan yar oo gaar ah “oo dhan ka ahayd danta guud ee dalka” oo iyana lagu guuldareystay.

Mahadsanidiin

W/Q: Abdullaahi Sheikh Nor Mohamed
Social and political analyst
Mogadishu-Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid