Saraakiil Muqdisho looga waday baaritaanka qaraxyo lagu arkay Galgaduud

Muqdisho (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay ka tagaan magaalada Muqdisho halkaasi ay gaareen.

Ujeedada Saraakiishaan u tageen degmada Caabudwaaq ayaa lagu sheegay inay tahay baaritaan waxyaabo looga shakiyay inay qaraxyo yihiin oo magaalada lagu arkay iyo kuwo gaadiid ku xirnaa.

Qaraxyada Gaadiidka ayaa dhawaan lagu qabtay koontaroolka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyadoo kadibna la doonay saraakiil ku taqasustay qaraxyada si aysan waxyeelo kaga dhalan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saraakiishaan ay saacadiii ugu dambeeyay wadeen baaritaanka waxyaabaha looga shakiyay qaraxyada, waxaana la filayaa in maanta ay shaaciyaan natiijada baaritaanka ay sameeyeen.

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa sheegay inay saraakiishaan u baahdeen maadaama aysan jirin dad khibrad badan  u leh waxyaabaha qarxa oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa laga yaabaa in lagu arki karo haraadigaha waxyaabihii lagu dagaalamay iyo qaraxyo waddooyinka lagu aasay xiliyadii dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com