Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiillada ee Puntland ayaa shalay meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, taasi oo dhawaan sababteeda ay in ka badan labaatan ruux ugu dhinteen caasimada maamulkaas ee Garoowe.
Ku dhawaad hal bil oo la is-horfadhiyay, xildhibaanada taabacsan Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku guuleystay meel-marinta wax ka beddel lagu sameeyay illaa toddoba qodob oo kamid ah dastuurka Puntland.
Markii hore wixii la isku dilay waxay ahaayeen hal qodob laakiin shalay Baarlamaanka lix qodob oo cusub ayuu ku kabay sida uu ku dooday Xasan Shire Abgaal oo kamid ah xubnaha kasoo horjeeda dastuur furista.
Qodobbada ay shalay beddeleen golaha wakiiladda ee Puntland waxaa ugu muhiimsan qodobka doorashada hoggaamiyaha maamulka, ku-xigeenkiisa iyo xubnaha golaha wakiiladda.
Markii hore odayaal dhaqan ayaa soo qori jiray 66 wakiil, kuwaasi oo dooranaayay hoggaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa. Hadda waxaa la ansixiyay inay shacabka doortaan hoggaamiyaha maamulka, ku-xigeenkiisa iyo wakiiladda 66-ka ah.
Sidoo kale waxaa dhamaan xisbiyo noqday sagaalkii ururr siyaasadeed ee Puntland, xitaa kuwa aan codeyntii labaad ka qeyb-galin, taasi oo wax aan sharciyad iyo caqliyad ku dhisneyn ku tilmaamay Xasan Shire Abgaal oo ah ninka hadda ugu miisaanka culus mucaaradka Saciid Deni.
In doorashada soo aadan ay noqon doonto qof iyo cod ayay ansixiyeen golaha wakiiladda. Arrintaan waxay kusoo aaday iyada oo dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waan-waan wadeen odayaasha dhaqanka.
Mucaaradka waxay dalbadeen in odayaasha ka jawaaban falkii shalay dhacay, waxay qabaan in aanay tani wax badan ka duwaneyn labadii sano ee baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya uu bishii April 2021 uu siiyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xubno kamid ah ururada siyaasadeed ee Puntland ee diidan wax ka beddelka dastuurka ayaa shalay dacwo u gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland.
Mucaaradka waxay muujinayaan rejo ah in wixii shalay la sheegay aanay waxba ka dhaqan-geli doonin oo wax walba sidii hore ku socon doonaan, doorashadana ay dhaafi karin 8-da Janaayo.
Aragtida ah in Saciid Deni uu weli rabo muddo kororsi ayaa xooggan, maadaama aanay macquul aheyn in shanta billood ee u hartay lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.
Kooxda Deni waxay u muuqdaan inay xooggaa ku adkaadeen lagdan siyaasadeedka oo ay golaha wakiiladda wixii ay rabeen, laakiin su’aasha aan weli jawaabteedu fududeyn waxay tahay Saciid Deni sida uu maanta u dhigay berri ma u dhaqan-galin karaa?.
Haddii uu Saciid Deni qabto 8-da Janaayo doorasho heshiis lagu yahay, dad badan ayaa aaminsan inuu leeyahay fursad xooggan oo soo laabasho ah. Laakiin haddii uu dhinaca muddo kororsiga jalleeco ama dhaqan-gelinta mid aan loo dhameyn wax badan ayaa ka halaabi kara.
Guushii shalay ee golaha wakiiladda waxay Deni uga baahan tahay dhaqan-gelin, xilli beesha degan Caasimada Garoowe oo taraha sugeysa ay musharaxiinteedu diidmo cad kala horyimaadeen isbeddelkii shalay lagu sameeyay dastuurka.