Muxuu Xamza kala hadlay William Ruto? + Sawirro

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan dalka Tanzaniga ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Dar es Salaam oo uu u tegay ka qayb-galay Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha.

Xamza ayaa la kumay madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto oo ka mid ah madaxda kala duwan ee ka qayb-galeysa shirweynahaasi, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa William Ruto kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, kaas oo ay qayb ka tahay dowladda Kenya, waxayna isla garteen in meel looga soo wada jeesto kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaariijta, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal” ayaa lagu yiri.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kala hadlay madaxweynaha Kenya fududeynta Dal-ku galka (Visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay.

Inta uu socday kulankan waxaa sidoo kale looga hadlay horumarinta waxbarashada iyo awood siinta dhalinyarada, sida lagu shaaciyay bayaanka xafiiska ra’iisul wasaaraha

“Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda Somalia.

Kenya ayaa kamid ah waddamada dariska ee xiriirka la leh Soomaaliya, isla-markaana qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa dalkaasi.