Kadib heshiiskii Ethiopia & Eritrea, Jabuuti oo walaac qabta xaalna ku xun yahay

Jabuuti (Caasimada Online) – Dawladda Djibouti  ayaa u muuqata inay jaho-wareer siyaasadeed ka qaatay heshiiska nabadeed ee dhex maray wadamada Itoobiya iyo Ereteriya.

Djibouti iyo Ereteriya waxa ka dhaxaysa colaad xuduuda ah oo ay ciidamo isku horfadhiyaan, si la mid ah sidii ay Itoobiya iyo Ereteriya uga dhaxaysay colaadda dhinaca xuduudka Badame. Djibouti ayaa ah dalka 95% ka faa’iiday colaadda Ereteriya iyo Itoobiya, maadaama oo Itoobiya oo aan dekedo lahayni ay ganacsigeeda u wareejisay Djibouti.

Dawladda Jabuuti ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu gacan ka geysto sidii muranka xudduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea loo soo afjari lahaa.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qoray xoghayaha guud, wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal, waxaanu sheegay in Jabuuti ay doorbideyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go’aan uga gaaraan.

Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore. Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin. Ma jiro wax war ah oo ay Ereteriya ka soo saartay dalabka dawladda Djibouti.

Geesta kale warbaahinta Indian Ocean News, ayaa shalay baahisay in wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf uu u diray safiirada Djibouti u fadhiya dunida oo ay wakaaladu aragtay ay ka ayaa wax aka muuqda jaho-wareerka Djibouti ku dhacay. ION waxay sheegtay in Djibouti u muuqato inay ka xumaatay dalabka uu Rayslwasaaraha Itoobiya ka dalbaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee ah in cuno-qabataynta laga qaado Ereteriya, iyadoo aanay Itoobiya kaba fikirin saamaynta xun ee ay arrintaasi ku yeelanayso Djibouti.

Sida ay ION qortay wasiirka khaarajiga Djibouti waxa kale oo uu warqadas ku weeraray dawladda Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Sheekh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan oo ah dhaxal sugaha leh boqortooyada Abu Dhabi, waxaanu dalka UAE ku tilmaamay “Garabka hubaysan iyo maalgeliyaha istaraatijiyadda maamulka cusub ee Maraykanka”, waxaanu wasiirku ku andacoonayaa in dhaxalsugaha Abu Dhabi, Maxamed bin Saayid Al-Nahyaan, uu ballanqaaday balaayiin doolar oo ah maalgashi iyo raasamaal uu dhiganayo bangiyada Itoobiya, taas beddelkeedana Itoobiya ka rabo in ay gacan saaxiibtinimo u fidiso Ereteriya.

Wasiir Yuusuf, waxa kale oo uu cambaareeyay mucaaradka reer Djibouti ee FRUD Arme oo ah mucaarad ka soo jeeda qoomiyada Canfarta ee Djibouti oo uu saldhigoodu yahay dalka Ereteriya. Wuxuu dawladda Itoobiya sida ay warbaahintani qortay ugu cadeeyay mawqkfa Djibouti, “Sidaa awgeed waxa uu si cad oo aanu madow ku jirin, ugu soo jeedinayaa Itoobiya” ayay tidhi wakaaladu, “mawqifkayaga iyo sida aanaan ugu faraxsanayn’”

Ugu dambayn sida qoraalka lagu sheegay wuxuu wasiirku warqadiisa uu u diray safiirada Djibouti ee dunida ku tilmaamay in Ereteriya halis gelin karto khayraadka dabiiciga ah ee Gaasta ee ay Itoobiya dhawaan ka soo saartay kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com