Kadib isku daygii afgambi ee fashilmay, Rooble waa ‘inuu doortaa’ laba arrin midkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka faallooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya oo si adag uga horyimid afgambigii dhicisoobay ee Farmaajo, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha u furan tahay in uu doorto labo arrin midkood, oo aan laheyn mid saddexaad.

Waxa uu sheegay in xilligan loo baahan yahay in uu Rooble iska dhiciyo duulaanka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dhawaan uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan, si hufana u guto waajibaadka loo igmaday.

Haddii uu taas sameyn karina uu baneeyo kursiga uu ku fadhiyo, si ay u saartan shaqsi si dhab ah ula dagaalaya madaxweynihii hore oo soo dhaafay xadkiisi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa la rabaa in Rooble uu shaqadiisa u qabto si sax, haddii uu Waraabayasha la noolaan karina, Waraabayaal badan ayaa noo jooga ee meesha ha ka wareego,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur oo carabka ku adkeeyay in marxaladan aan looga gudbi karin dabacsanaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Farmaajo uu aaminsan yahay in xoog iyo awood ciidan wax lagu qaato, haddii taas mid lamid ahna loogu jawaabi aan laga adkaan karin rabitaanada guracan ee madaxweynihii hore.

“Meel u dhiman majirto (Farmaajo) baterigii ayaa ka dhamaaday, markaa waa in la iska dhiciyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey isaga oo carabka ku adkeeyay in madaxweynihii hore uu hore iskugu qasay ciidanka iyo siyaasadda, xilligan uu qiil ka dhiganayo in ciidanka siyaasada aysan ku milmin, maadama xeeladihii awood maquuninta ay ka dhamaadeen.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo midoobo iska dhicinta Farmaajo, si ay dalka uga sii socoto doorasho daah-furan oo saamileyda siyaasadda ku qanacsan yihiin, taasi oo taageero ballaaran ka haysata saaxiibada caalamiga ah iyo daneyayaasha Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii