Sawirro: Muxuu R/W Rooble caawa kala hadlay SACIID DENI iyo Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa la shiray madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Rooble ayaa labada Madaxweyne kala hadlay qaban-qaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhawaan Muqdisho ka furmaya, kaas oo ajandihiisu yahay dardargelinta doorashooyinka dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu uu caawa shaaciyey in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu Muqdisho ku soo wajahan yahay, isagoo ka qeyb-geli doona shirka, xilli uu horay u diiday ka qeyb galkiisa, isagoo taageero xoog leh u muujinayey Madaxweynihii hore Farmaajo.

“Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macalimuu.

Qoraalka afhayeenka XFS ayaa intaas ku sii daray, “Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmaya maalmaha dhow ee innagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online Lafta-gareen ayaa bedelay mowqifkiisii diidmada shirkaas, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la hadashay hoggaamiyaha K/Galbeed Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso in uusan aheyn go’aankiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii