Xafiiska Rooble oo war cusub kasoo saaray ka qeyb-galka Lafta-gareen ee SHIRKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku faahfaahiyey diyaar garowga loogu jiro qabsoomidda shirka golaha wadatashiga qaranka, kaas oo maalmaha soo socda Muqdisho ka furmaya.

Macalimuu ayaa shaaciyey in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu Muqdisho ku soo wajahan yahay, xilli uu horay u diiday ka qeyb galka shirkaas, isagoo taageero xoog leh u muujinayey Madaxweynihii hore Farmaajo.

“Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macalimuu.

Qoraalka afhayeenka XFS ayaa intaas ku sii daray, “Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online Lafta-gareen ayaa bedelay mowqifkiisii diidmada shirkaas, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la hadashay hoggaamiyaha K/Galbeed Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso in uusan aheyn go’aankiisa

Lafta-gareen wuxuu sameyn karay inuu xiisadda ka aamuso ama ugu yaraan xaaladda cabiro maalmo, hase yeeshee cadaadis kaga yimid Villa Somalia ayaa ku qasbay go’aan deg deg ah oo u muuqday in uusan joogteyn karin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii