Koonfur Galbeed oo ku dhowaaqday qabashada doorashada kuraas horleh

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa shaaciyey qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ee ka imaanaya maamulkaasi, kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada kuraastan la qabanayo todoobadka soo socda, iyada oo lagu wargeliyey guddiga heer federaal.

“Waxaa guddiga doorashada heer federaal ee (FEIT) uu ku wargelineynaa liiska kuraasta baarlamaanka golaha shacabka ee aan qorsheyneyno inaan qabano todobaadka soo socda,” ayaa lagu yiri waradda kasoo baxday guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.

Qabashada doorashada kuraastan ee ay ku dhowaaqday Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadeyso, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood ka taagan tahay doorashada, gaar ahaan guddiyada maamulaya oo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay, kadib tallaabadii Rooble.

Koonfur Galbeed ayaa horay u qabatay doorashada illaa 11 kursi, walow kuraasta qaar ay ka timid cabasho xoogan, isla-markaana la hakiyey, taas oo uga sii dartay xiisadda taagan.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Si kastaba, waxaa la filayaa in dooda taagan iyo cabashada doorashada xal waara looga gaaro shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii