Muqdisho (Caasimada Online) โ Weerarka dhanka afka ah ee u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo masโuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoogeystay kadib khudbaddii uu saaka Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.
Mucaaradka ayaa khudbadda uu maanta jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid aan macno lahayn, maadaama aysan jirin aragti iyo qorshe cusub oo lagu soo bandhigay, ama goโaanno yididdilo leh oo lagu sheegay, ama isbeddel mowqif lagu shaaciyay.
“Suโaasha aan mar kasta is weydiiyo ayaa ah; muxuu Madaxweynuhu uga aamusan yahay arrimaha dhulka oo ah qadiyadda ugu weyn ee maanta dalka ka taagan, iyadoo lagu yaqaan inuu difaacdo goโaannadiisa?” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Waxa uu intaas sii raaciyay: “Soo lama oran karo wuxuu ogyahay in aysan sharci ahayn, waana sababta uu uga dhuumanayo?”.
Intaas kadib Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka jawaabay hadalka mucaaradka, isagoo yiri: “Khudbadda Madaxweynaha ee maanta baarlamaanka hortiisa uu ka jeediyey waxay xoogga saaraysay waxqabad muuqda, horumar amni, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho ay ka mid yihiin.”
Waxa uu intaas kusii daray: “Madaxweynaha wuxuu tilmaamay halka loo socdo ee aan ka soo noqoshada lahayn ee doorasho qof iyo cod ah, shidaal qodistii in ay bilaabanayso kol dhow iyo in wadada wadahadalka kuwa ka soo horjeeda uu sii wadayo.”
Fiqi ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatabixinta ku eedeeyay inay ku foogan yihiin fidno iyo kharibaadda xasilloonida caasimadda, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen horumarka dalka.
“Halka kooxdii madashu ay ku mashquulsan yihiin saldhig weerar iyo kicin fidno, kharibaad xasilloonida caasimadda iyo diidmada xuquuqda dadka ee ah in ay wax doortaan oo aysan lahayn ajende qaran,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
“Maanta dadka Soomaaliyeed waxa ay isku barbardhigayaan labadaas ajende waana caddahay midka maslaxadoodu ay ku jirto!” ayuu yiri Fiqi oo mucaaradka ku tilmaamay kuwa aan ka shaqeynayn maslaxadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed toona.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli ay meel sare gaartay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda, taas oo gacan ka hadal gaartay kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen hanaanka ay dowladda u wajahday banaynta dhulka danta guud.