Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Ceel Cali Axmed, halkaas oo horey ay u weerareen kooxda.
Weerarkan ayay ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ku jabiyeen dagaalyahannadii soo qaaday weerarka, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.
“Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa maanta Khawaarijta ku jabiyay weerar naf-la-caari ah oo ay isku dayeen inay ku qaadaan deegaanka Ceel Cali Axmed,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada iskaashanaya horey uga feejignaayeen dhagarta cadowga, islamarkaana ay maleeshiyaadkii kooxda ka hor istaageen isku daygii ay ku doonayeen inay ku qabsadaan Ceel Cali Axmed.
“Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo ciidamada xaq u dirirka ee dadka deegaanka oo si weyn u foojigan ayaa jab xooggan gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah, waxaana ay ka hor istaageen isku daygoodii liitay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
Ciidamada ayaa ku guuleystay inay laayaan maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee soo weeraray, iyadoo ciidamada iskaashanaya ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Ceel Cali Axmed iyo deegaannada ku dhow.
“Xogta khasaaraha gaaray cadowga iyo macluumaadka howlgalka ballaaran ee ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda dalka, dib ayaa laga soo gudbin doonaa iyadoo faahfaahsan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.