BF oo soo gaba-gabeeyay dood culus oo ka dhalatay tacadigii ay DF kula kacday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeeyay dood la xiriirta soo jeedinta xildhibaanno ka tirsan Golaha, taasoo ku saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarrada xildhibaannada.

Dooddan ayaa timid kadib mooshin ay gudbiyeen qaar kamid ah xildhibaannada Golaha oo laga hor istaagay inay ka safraan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Xildhibaannada ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan dhinaca safarka, gaar ahaan Jubbaland, oo haatan uu dagaal siyaasadeed xooggan kala dhexeeyo hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada gudbiyay mooshinka, oo la shaaciyay magacyadooda, ayaa guddoonka ka codsaday in ajendaha lagu soo daro soo jeedintooda, kadibna sidaas ayaa looga dooday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankii maanta, ayaa ku dhawaaqay in la soo gaba-gabeeyay doodda arrintan oo soo bilaabatay kulankii ka horreeyay.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Daawada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedkan ayaa waxaa mudanayaasha Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kaasoo faahfaahin ka bixiyay qodobada Hindise Sharciyeedkan uu ka kooban yahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in, maadaama sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Hindise Sharciyeedka marka uu marayo akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn, lagu wareejinayo guddiga ku shaqada leh si uu u soo diyaariyo akhrintiisa labaad, islamarkaana Golaha dib loogu soo celiyo si looga doodo.