Wararkii ugu dambeeyey xiisadda ka dhex-taagan Eritrea iyo Itoobiya iyo dagaal…

Asmara (Caasimada Online) – Mas’uul hore oo ka tirsanaa dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Dr. Mulatu Tashoma ayaa kashifay in Eritrea iyo Itoobiya ay dagaal damacsan yihiin, inkastoo Wasiirka Warfaafinta Eritrea uu beeniyey tuhunkaas, haddana waxaa la xaqiijiyey in ciidamada dalka Eritrea heegan buuxa la geliyey.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ma aha sidii hore; heshiiskii dunida ka yaabiyey shan sano ka hor ayaa burburay labadii sano ee la soo dhaafay, waxayna dhawaan labada dal bilaabeen inay si furan isku eedeeyaan.

Eritrea waxa ay tababar ugu yeertay muwaadiniinteeda ka tirsan ciidamada iyo kuwa kaydka ah ee dalkeeda.

Dhanka kale, waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ka dhacay shir la sheegay in ay soo qabanqaabiyeen mucaaradka Eritrea, oo ay ka soo qeybgaleen dad badan, kaas oo looga tashanayey sidii Afwerki looga tuuri lahaa xukunka uu muddo dheer hayay ee Eritrea.

Waddamada Reer Galbeedka ayaa lagu soo waramayaa in ay walaac ka muujiyeen wadahadallo qarsoodi ah oo lala yeeshay saraakiisha kooxda TPLF ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Maxaa burburiyey heshiiskii caalamka caan ka noqday?

Heshiiskii ay kala saxiixdeen hoggaamiyayaasha labada dal, kaas oo sababay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed la siiyo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, ayaa hadda burburay.

Madaxda Eritrea ayaa la sheegay in aysan ku faraxsaneyn qaabka ay ciidamada Itoobiya uga baxeen gobolka Tigray iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee Pretoria, Koonfur Afrika.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara, halka sidoo kale hawada laga saaray adeegyadii telefoonnada ee labada dal. Eritrea waxa ay xulafo la sameysatay Masar, Soomaaliya, iyo dalal kale, taas oo muujinaysa in xiriirka labada dal uu sii xumaanayo.

Eritrea waxay si cad ugu eedeysay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu masuul ka yahay xiriirka xumaaday ee labada dal.

Mucaaradka Eritrea ayaa si bareer ah isu soo bandhigay, iyagoo magaalada Addis Ababa shir ku qabsaday, waxaana lagu dhawaaqay in ay helayaan barnaamijyo warbaahineed si ay u faafiyaan afkaarahooda ka dhanka ah xukunka kaligii taliska ah ee dalkooda ka jira.

Mid ka mid ah aqoonyahannada u kuur galay xaaladda hadda taagan oo lagu magacaabo Mr. Baisa Waqwaya, kana mid ah qareennada caalamiga ah ee khibrad dheer u leh xallinta khilaafaadka Qaramada Midoobay, ayaa sheegay: “Uma maleynayo inay sax tahay in la qaldo ummad isjecel, oo aan bilowno dagaal kaliya waxa ay rabaan madaxda,” ayuu yiri.