Cape Town, – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan soomaalida kasoo jeeda deegaanada Maakhir State ee Gobalada Sanaag, Hayland iyo galbeedka bari ee Somalia, ayaa goor dhow waxaa usoo gabagaboobay kulan caalami ah oo maalmihii ugu dambeeyey uga soconayey Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalkani Koonfur Afrika.
Kulankan oo ay kasoo wada qeybgaleen Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato, Haween iyo dhalinyaro kuwada abtirsada maamulka Maakhir State, ayaa waxaa looga hadlayey horumarka deegaanadaasi, gaar ahaan hawlaha dib u dhiska ah ee ka soconaya Dekadda Laas-qoray iyo Jaamacadda Maakhir University iyo sidii loosii baraarujin lahaa qurba joogta kale ee Jaaliyadda.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Maakhir State ee dalka Koonfur Afrika, Maxamed Cali Samatar, oo isagana ku nuuxnuuxsaday in arimahani socda laga wada qeybqaato, islamarkaana aan ruux, koox iyo urur midna lagu eeganin horumarinta deegaanada iyo dadka reer Maakhir.
Si kastaba ha ahaatee, Jaaliyadda Maakhir State ee Koonfur Afrika, ayaa balan qaaday inay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan dadkooda iyo maamulkoodaba, si dib loogusoo nooleeyo bilicda deegaanadaasi, islamarkaana sare loogu qaado aqoonta dhalinyarada si mustaqbal wanaagsan uu u yeesho deegaanka.
Nuqul ka mid ah bayaanka Jaaliyadda Maakhir State ee Koonfur Afrika ku shirtay oo inasoo gaaray, ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiye ku xigeenka guud ee Maamulka Maakhir State :
Mudane Maxamed Deeq Sheekh C/laahi
Tell : +27731076639
E-mail : [email protected] ama [email protected]
- Advertisement -