Dagaal ka dhex qarxay Somaliland iyo Khaatumo State iyo guulo la sheegtay

Laascaanood (Caasimada Online) Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka kala socda Maamulka Khaatuma iyo Kuwa Puntland ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Hadaba dagaalkaas ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay Mamulka khaatumo state oo xaqiijiyay in dagaalo ka dhacay duleedka Degmada Xudun ee Gobalka Soolkaasi uu dhexmaray ciidamadooda  iyo sidoo kale ciidamada maamulka Soomaaliland.

Maxamed Ducaale  oo ah Wasiirka amniga ee maamulka Khaatumo State oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamada maamulka Soomaaliland ayna iska caabiyeen.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay duleedka Degmada Xudun kadib markii ciidamada khaatuma ay meesha ka saareen kuwa Soomaaliland.

Howlgalo kala duwan ayuu sheegay inay fuliyeen dagaalka kadib maadaama sida uu sheegay dhulkooda iyo sidoo kale maalkooda lagu soo weeraray sida uu sheegay wasiirka amniga khaatuma

Somaliland wali kama aysan jawaabin hadalka ka soo baxay maamulka Khaatuma laakiin Somaliland ayaa ka soo horjeeda Jiritaanka Maamulka Khaatumo .

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Laascaanod