Kalfadhiga 2aad ee Xildhibaanada BFS oo lasoo xiraayo & Madaxda ugu sareya oo Khudbado ka jeedin doona xarunta

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa manta oo Sabti ah lagu wadaa inay yeelan doonaan kulanka lagu soo xiraayo kalfadhiga labaad.

Xiritaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa inay ka qeybgali doonaan Madaxda ugu sareysa dalka.

Madaxda la filaayo inay ka qeybgalayaan xiritaanka kalfadhiga ayaa waxaa kamid noqon doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre oo halkaa khudbad ka jeedin doona, waa haddii aanu isbedelin qorshaha.

Waxaa xiritaanka kalfadhiga sidoo kale khudbad ka jeedin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’ oo la dardaarmi doona Xildhibaanada BFS.

Labadii kalfadhi ee baarlamaanka Tobnaad ay yeesheen ayaa lagu meelmariyay sharciyo muhiim ah oo la horkeenay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Geesta kale, waxaa saakay aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka gala xarunta Golaha Shacabka oo lagu qabanayo munaasabada xiritaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com