Ethiopia oo lagu xasuuqay Soomaalidii ugu badneyd & Xaalada oo dhabaqsan

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga waxaa Soomaali badan lagu xasuuqay dhulka ay Ethiopia ka degaan Qowmiyada Oramada.

Xasuuqa ayaa ka dhacay tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow ee dhulka Oromada, waxaana la xaqiijiyay in Soomaalida la xasuuqay ay tirro ahaan gaarayaan ilaa 65 Soomaali ah.

Cabdirisaaq Maxamed oo ah madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, ayaa xaqiijiyay inuu jiro xasuuqa waxa uuna tilmaamay inuu ka danbeeyay kadib markii ay ciidamada Liyuu Booliska Soomaalida duullaan ku qaadeen deegaan aan Gadule ka dheerayn.

Ciidamad Liyuu Boolis ayaa weerarka ku dilay ilaa Laba qof oo midi uu ahaa askari, waxaana intaa kadib weerar qaaday qoyska Askariga la dilay.

Qoyska Askariga ayaa weerarka culeyskiisa ku qaaday Soomaalida degta deegaanka Gadule waxa ayna sidaa ku laayen Soomaali badan, iyadoo duulaan ballaartay kadib uu xasuuqa gaaray ilaa 65 Soomaali ah.

Dhulka ay wada dagaan Oromada iyo Soomaalida Wadanka Ethiopia ayaa dhowr jeer waxaaa ka dhacay Dagaal dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, horay Dowladda Federaalka Ethiopia waxaa ay u sheegtay in ay xakameysay isku dhacyadii dhexmaray Qomiyadda Oromada iyo Soomaalida Ethiopia oo dhowr jeer wada dagaalamay.

Si kastaba ha ahaatee, isku dhacaan soo cusboonaaday ayaa dadka Soomaalida ee ku nool Ethiopia waxaa ay sheegeen in ay qabaan wal wal ah in la beegsado, Maadaama Rabshaduhu ay hadda Xoogeysteen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com