Ficil fool xun oo uu sameeyay Nin Yahuudi ah oo sababay in la mamnuuco Sawiradii lagu dhex gali jiray Masaajidka NNKH

Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay Dowlada Sacuudiga, ayaa waxaa lagu mamnuucay in sawirro lagu dhex galo Xaramka iyo Masaajidka Nabiga NNKH inta lagu guda jiro howlaha cibaadada.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in la mamnuucay in xaramka lagu dhexgalo sawir, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirada nin Israeli ah, oo isku soo dhex sawiray Xaramka iyo Masaajidka Nabiga.

Ninkaan Israelka ah ayaa xiliga uu sawirka ku galaayay Xaramka gacanta ku watay Kutubka Yahuudda taa oo dhalisay hadal heyn badan.

Wargeysyada kasoo baxa magaalada Riyadh ayaa lagu qoray in dowlada Sacuudiga ay qaadi doonto talaabo adag, haddii ay dhacdo in waxkama jiraan laga dhigo amarka lagu mamnuucay sawirka.

Habdhaqanka Yahuudigan ayaa waxa ay ka careysiisay Muslimiinta ku dhaqan magaalada barakeysan ee Maka, iyagoona si kulul u cambaareeyay falkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo Mareykanka uu Caasimadda Israel u aqoonsaday Magaalada Qudus, ee dhulka la haysto ee Falastiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com